26th April 2024  admin  Category :

Adna Aadan oo u qaabilsan SNMta faafinta beenta ayaa madaxda Soomaaliyeed ku sheegtay ineey yihiin madaxda dawlad fashilantay, waxeeyna dadka Soomaaliyeed ku sheegtay ineey qabiir ku yihiin argaggixisanimada, waxeeyna is weeydiisay ineey soo abuurayaa argaggixisanimo cusub, argaggixisanimo diblumaasiyadeed, ama argaggixisanimo siyaasadeed.

Waxa ay ku sheegtay in Soomaaliya ay kalla jabjabsan yihiin, balse maamulkoodu uu isku duubanyahay. Waxaa is weeydiin leh yaa isku duuban? Waxeey sheegtay in dal la yiraahdo Soomaaliya uusan jirin, Soomaaliya ay ka taliyaan dagaal ooggayaal mid kasta uu heeysto qurub yar.

Hadaba,  Beesha Warsangeli, Dhulbahante, Gadibiirse iyo Ciise midna go’intaanka kullama mideeysna beesha Isaaq, beesha Isaaq iyadii ayaan naf isku heeyn, marka midnimada Soomaaliland ay ka hadashay waa mid ka mid ah beenta caalamka laga iibinayo.

Waxa ay la timid warqado ay soo daabacatay taas oo ay ku sheegeeyso in 1960kii uu Mareeykanka u soo diray hambalyo,,warqad boqorada Ingiriiska ka timi iyo maabka Soomaaliya. Hadaba, lixdankii maxaa ka danbeeyey? Soomaaliya waa hal dal kaas oo aan la kall jari karin caalamkana uu aqoonsanyahay.

https://youtu.be/14FFOs8lroQ

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*