26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo beesha Habar gidir ugu hambalyeey inay Jabuuti ku soo heshiiyeen

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay maamulka iyo shacabka Galmudug heshiiskan taariikhiga ah, isagoona ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali in ay u hoggaansamaan qodobadda heshiiskan, si buuxdana uga wada shaqeeyaan hirgelintiisa.

Munaasabadda dhameytirka saxiixa Heshiiskii ay isku afgarteen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya, iyaddoo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaaren labada dhinac qeyb ka saxiixay iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow, ayaa sheegay in hishiiska ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna uu ku qoran yahay in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug, islamarkaana uu shir guddoomin doonno shirka Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Maxamed Cabdi Shaakir, ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay, Heshiiska waxaa ku qoran in Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug oo uu shir guddoominayo Golaha Wasiirada Galmudug” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Hadaba halkan hoose ka Akhriso qodobada lagu heshiiyay.

Did you like this? Share it:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*