26th April 2024  admin  Category :

Degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, Puntland ,  ayaa tartan Cilmiyeedka ay qabtaan Bahda   SNTV, oo ku caan baxday qabyaalad ,  oo aan looga baran dhex dhexaadnimo  iyo Soomaalinimo  waxay ka galeen kaalinta labaad degmooyinka Soomaaliya.

Degnada Dhahar, ayaa waxa ka guulaysatay degmada  Wardheegleey ee gobolka Banadir, oo hoy u ah Villa Soomaaliya iyo radiyo Muqdisho. Degmada Wardhiigleey ayaa dugsiyada ku yaala, sanadkii waxa lagu maal geliyaa   Malaayiin doolarka Maraykanka ah  oo ah lacagtii Turkiga, reer Yurub, Maraykan iyo Carabuhu ugu deeqeen Soomaaliya guud ahaan .

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya  Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho  Thabit Cabdi Maxame, oo caawa goob joog ka ahaa Koobkii la gudoonsiinayey degmada Wardheegleey oo ku guulaystay tartan cilmiyeedka sanadkan  , ayaa iyaguna waxay  ka soo jeedaan  Degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir oo beesha Abgaal gaar ahaan u sheegtaan.

Halka degmada Dhahar, ee gobolka Hayland  ayna hal doolar iyagu  ka helin dalalka Turkiga, Maraykanka, Carabaha iyo Reer Yurub, hase ahaatee bulshada degaanku   isku tashi iyo dulqaaad ay sameeyeen  iyagu halkaa   ku soo gaareen,  maantana ay  Soomaali oo dhamina ay    wada aqoonsadeen kartidooda iyo dedaalka ay ugu jiraan  barbaarinta Ubadka soo koraya  , Ka dib markii ay kaalin fiican  ka soo wada A  galeen tartan cilmiyeedkii dhowaan lagu qabtay   magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Muqdisho oo ay dhamaantood kaalin fiican ka soo wada galeen.

Ugu danbayntii waxa arin lagu farxo ah,  in  Tartan Cilmiyeed uu qabtay Idaacad ama  Talafishan ku caan baxay qabyaalad, oo  aan  looga baran dhexdhexaadnimo  iyo Soomaalinmo,  in degmada Dhahar ay degmooyinkii    Soomaaliya oo dhan oo ka kooban  78 degmo  inay kalinta labaad ka soo galaan  . Waxaa kaloo xusid mudan in degmada Dhahar  ay  ka guulaysatay   degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir, oo ay ka soo jeedeen labadii madaxweyne ee ugu danbeeyey  dawladda Soomaaliya Sheekh Shariif  iyo Culusoow ,  oo deeqahii caalamku bixin jireen   si qabyaaladaysan oo fool xun  ugu leexin jiray degaano gaar ah oo ay ka mid tahay degmada Wardhuugleey oo beesha Abgaal gaar ahaan u sheegato, degmooyinkii kale  ee Soomaaliyeed  oo Dhahari ku jirtona ku qadin jiray ama ku cunaqabatayn jiray beelaha dega   .

Kaalinta labaad ee degmada  Dhahari ka gashay tartan cilimiyeedkii loo qabtay degmooyinka Soomaaliya , maaha    mucjiso iska timid  ee waa dedaal iyo  isku tashi ay sameeyeen bulshada reer Dhahareed, oo Soomaali inteeda kale u muujiyey     inay ka maarmi karaan   gacmo hooriska  shisheeyaha. Caruurta oo wax la baraana ay tahay mustaqbalka Soomaaliya iyo Somaali caalamka intiisa kale wax la qaybsata.

Degmada Dhahar, Waa degmada qura ee madaxweyne Soomaaliyeed, wasiir federaal ah, iyo madaxweynayaal maamul goboleedyo ayna intii  burburkii Soomaaliyaka ka  danbaysay  soo booqan. Halka madaxda Soomaaliyeed oo dhami ay maanta hoy u tahay xaafadda Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir ee ka guulaystay degmada Dhahar.

https://youtu.be/zJAFFNSonL8

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*