27th April 2024  admin  Category :

Buuraha Calmdow ha loo daayo sida ay maanta tahay

Gurigii ugu horeeyey ee laga dhiso Buura Calmadow

Bulshada reer Maakhir oo afar qarni ka hor dabaqyo ka dhisanayey magaalooyinka Soomaaliya ee ku yaala  xeebta  badda Cas sida Laasqoray, Durduri,  Cadcado iyo Ceelaayo,  oo maanta magaalooyinkii hormarkaas iyo ilbaxnimadaasi  ka socdeen ka dhigay degaano ay Bisaduhu  ku hoydaan, ayaa waxay u hangal taagayaan in beel walba oo reer Maakhira  inta ay buurta Calmadow ka degaan ay manta ka samaystaan Tuuloyin la mid ah kuwa tirade badan ee hadda ka Jira gobolka Sanaag  oo qoys qoyska loo degan yahay. Sababna u ah dib u udhaca ku yimid bulshada reer Maakhir hadii ay ahaan lahayd  dhinac dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Image result for laasqoray

Tusaale  ahaan, Qarni ka hor sida uu ku qoray xasuus qorkiisii Allah ha u naxariistee Ibrahim Ismaaciil Uurcad, waxa uu  ku dhashay Buurta Calmadow, wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Laasqoray iyo Durduri, wiilkii uu dhalay wuxuu ku barbaaray Ceelaayo, kii uu awoowaaha u ahaana  Buraan, kii uu sii dhalayna  Balibusla.

Hadaba caqli gal ma tahay in bulshada reer Maakhir ay ku jiraan giraantan wareegaysa oo maalin walba  Tuulo tuulo looga guurayo  oo Maantana qaar ka mid ah bulshadan reer Maakhir ay ku jirto   damac ah inay Tuulo ka samaystaan buurta Calmadow iyaga oo doonaya inay  hal maalin    cagta ku mariiyaan  kaydkii qarniyada la ilaaliniyey oo loo isicmaalayey danta guud.

Si arintan magaalaynta  Buurta barakaysan  ee Calmadow looga hortago iyo in la nabbaad guuriyo quruxdadegaanka,  waa in guddi aqoon u leh cilmiga degaanka iyo kheyraadka loo saaraa si ay uga soo talo  bIixiyaan mustaqbalka ay yeelanayso iyo sida looga faaiidaysan doono Buurta.

Image result for calmadow sanaag

Inta ka horysa talo bixinta guddigan loo saarayo Buurta Calmadow  waxaan ka digaynaa in Cagaf la geliyo buurta Calmadow. Kuwo iimaanlaawayashana  waxaan kula talinaynaa haddii ay  doonayaan inay Tuulo Buurta Calmadow  uga  sameeyaan qoyskooda, ha cimireen tuuladdii markii  hore  qoyskoodu ku lahaayeen ama ka deganaayeen  gobolka Sanaag

Ugu danbaynii haddi aad doonayso quruxda buurta  Calmadow  Xeebta Laasqoray iyo dhulka taariikhiga ah ee ku wada aasan yihiin Shekh Daarood iyo Sheekh Harti inaad hal maalin aad wada aragtid ama aad isu martid  guri ka dhiso magaalada Badhan ee goblka Sanaag waa Baladkaagiiye.

Image result for calmadow

Image result for calmadowImage result for calmadow

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*