26th April 2024  admin  Category :

Gal-mudug oo Puntland iyo Mareykanka Ku Eedeysay Duqeyntii Saaka Ka dhacday Deegaanka Godo

Maamulka   Galmudug ayaa Warbaahinta u soo bandhigtay goobtii saakay lagu duqeeyay ciidamo katirsan maamulkooda.

Mas’uuliyiin u hadlay Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Diyaaradaha duqeynta geestay ay ku tuhmayaa in ay leedahay dowlada Mareykanka, waxaana duqeyntaasi waxyeelo kasoo gaartay askar badan oo katirsan ciidanka maamulka Galmudug iyo gaadiidkooda dagaalka.

Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed oo ah Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug ayaa sheegay in  dhinteen 20 Askari ay ku dhinteen duqeyntii ka dhacday Deegaanka Godod ee duleedka magaalada Gaalkacyo ,halkaas ay fariisin ku lahaayeen Ciidanka Galmudug , waxaana asarka eeriyootay maanta lagu aasay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa duqeyntaasi saaka dhacday ku eedeeyay in ay ka danbeyseen   Puntland iyo Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*