26th April 2024  admin  Category :

Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimca ah u ambabaxay Dalka Turkiga, markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.

 

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane , Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Madaxweynaha JFS iyo Madaxweyne Ordogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part, shirkaas oo dhici doono Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti kusii sagootiyay Madaxda ugu sarreysa Dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*