26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa maanta Garoowe dib ugu soo laabtay.

Eng Cameya ayaa ugu horayn sheegay in Xamar uu u tegey arrimo u gaar ah haseyeeshee aysan ahayn arrimo la xiriira arrimaha doorashada Puntland ee 2019 iyo sidii markale uu u noqon lahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland sanadka dambe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Muqdisho uu ku ciidey arrinta ugu weyn ee uu u tegeyna ay ahayd sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa guri uu Muqdisho ku lahaa oo Muddo ka maqnaa uuna ku soo guulaystay soo celintiisa iyo arrimo la xiriira hubin caafimaad

https://youtu.be/_5Unswx2H8U

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*