27th April 2024  admin  Category :

Dowlada Federalka oo kala hadlaysa Maamul Goboleedyada Arrimaha Doorashooyinka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta DFS ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay maanta kusoo badhigtay qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.

Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.

Qorshahaan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

Hase yeeshee qorshahan ayaa saxaafada loo soo bandhigin waxaana ay u muuqataa mid lagu furfurayo arrimaha siyaasadda dalka tan iyo markii uu dhowaan shaaciyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in ay dowladiisu bilaabayso qorshe lagu dardargelinayo sidii loo qaban lahaa doorasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*