26th April 2024  admin  Category :

Deeqda Jack Ma uu Soomaoliya ugu deeqay Dawladdu Federaalku ma siyaasadayn doonaan oo sidii hubka ay deeqihii hore ugu isticmaaleen ma u isticmaali doonaan. Soomaaliya Muqdisho maaha ee ma la gaarsiin donaa dhamaan gobolada Soomaaliya . Waxaan sugnaa waa maalmaha soo socda

Diyaarad sida qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga iyo in lagula tacaalo cudurka Coronavirus ayaa caawa kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay.

Maxamed Siciid Cabdullaahi, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqda.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*