8th May 2024  admin  Category :

Dameerkii Boqrka u noqday wasiirka Saadaasha hawada iyo meereeyayaasha

Beri baa waxa jiri jiray Boqor Hanti badan  leh oo ka taliya degaan aad u baaxad weyn, Boqorkan ayaa jeclaa Ugaarsiga Duurjoogta ku noolayd Kaymihii uu ka talin jiray.

Boqorkan ayaa golihiisa wasiirada waxa ka mid aaa wasiir u qaabilsanaa saadaasha hawada iyo maareeyaaasha Xidigaha,

Boqorkani maalin  walba uu Ugaarsi tegayo waxuu Su’aalo ku saabsan Hawadu sida ay tahay waydiin jiray wasiirkiisa u qaabilsan arimahaas.

Maalin walba sida  Wasiirku Boqorka ugu sheego ayaa Allah ka dhigi jiray.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu waydiiyey wasiirkiisii sida ay  hawadu noqon doonto  maalmaha soo socda, Wasiirkii wuxuu ugu jawaabay saadaashu waa fiican thay ,Roob maynu  sugayno, Kulayka cadceeda Qoraxduna maaha mid aad u kulul.

Boqrkii sidii buu ku baxay, isaga oo horay u sii qaatay qalabkii uu ku ugaarsan lahaa, wax yar markii uu socday  Boqorku roob cirka  iyo dhulka is qabsaday oo dabaylo wata ayaa ku dhuftay oo dul hooray, Iyaga oo daalaa dhacaya oo ka  casi qaba inay  naftooda waayaan ayeey ka dul dhaceen , nin Cariish yar ku jira oo ayna ka qasnayn oo uu Guriga hortiisa dameer ugu xidhan yahay.

Markii ay waydiiyeen sida uu ku ogaaday Duufaanadan dhacaya, ayuu u sheegay in Dameerkiisu u sheego arimaha ku saabsan hawada

“Hadii Dameerkaygu dhegaha kor u taago hawadu waa fiican tahay, haddiise uu hoos u dhgo waa xun tahay.

Boqorkii , oo aad u dhaxamoonaya oo qarqaraya. soona rafaaday, kana xun sida wasiirkiisii beenta ugu sheegay  ayaa Ninkii Miskiinka ahaa inta uu isu seegay Qofka uu yahay  lacag fiicana u sheegay ku yidhi Dameerka iga gad, Miskiinkiina  waa yeelay.

Boqorkii Saldanadiisii ayuu ku soo laabatay isaga oo dameerkii wada, isla markii wuxuu shaqadii ka eryey wasiirkii Hawada, Wuxuuna wasiirka Hawada u magcaabay  Dameerkii.

Maalintii xigtay isaga oo golihiisa wasiirada iyo Damaeerkii  is   baraya a ayuu ku yidhi ” Dameerani waa wasiirka Hawada, waa in lalal shaqeeyaa  waana Dameer Dameer Dhalay.

Hadda Bulshada reer Puntland ayaa is waydiinaya in golaha Wasiirada ee soo socda lagu arki doonio Wax matare wax ma tare dhalay oo ka mid ah golaha wasiirada

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*