26th April 2024  admin  Category :

SNM Dad shacab ah oo hubaysnayn ayeey xabbad ku fureen.

Sawirku waa Wiil yar oo dhaawaca ah, oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli isaga oo gurigiisii Badhan jooga   oo midnimada Soomaaliya ilaalinaya ayaa xabbad waxa loogu   dhuftay soo raac beesha Isaaq iyo SNM

Nin magaciisa ku sheegay Dr.Saleebaan oo  ku sugnaa  yahay Cisbitaalka  degmada Badhan ee  Gobolka Sanaag, ayaa isaga oo la hadlaya Idaacad ka mid ah kuwa SNM wuxuu sheegay in degmada Badhan ay ku dagaalameen Somaliland iyo Puntland.

Warkaasi waa Been,  Saleebaan iyo kuwa la mid ah oo dadka  xabadeeyey waa kuwa mushahaarka ka qaata maamulka SNM iyo Alshabaab.

Dad shacab ah oo aan hubaysnayn oo aaminsan in Beeli beel kale ayna u   dawladayn karin,  ayaa iyaga oo ka soo hor jeeda doorashada beelaha Isaaq ay ku doonayeen  in ololaheeda maanta  laga bilaabo degmada Badhan, waxay bilaabeen Mudaharaad ay arintaa kaga soo hor jeedaan.

Marabiddi u shaqaynaysay maamulka beelaha Isaaq ay  ku wada  midaysan yihiin ee SNM, markii ay arintaa  arkeen si ay  gudoomiyahooda oo  lagu magcaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ku sugan degmada  Ceerigaabo u raali geliyaan, waxay bilaabeen inay dadkii xabbad ku furaan iyaga oo haba yaraatee wax digniin ah siin. Waana markii sadexaad oo taliyahani degmooyinka gobolka Sanaag uu dad ku xabadeeyey. Maanta haddii uu dili lahaa Todoba qof oo hoos ku qoran oo hadda dhaawaca ah sheekadu sida waa ka duwanaan lahayd.

1 Cali Weyne oo ka soo jeeda Beesha Reer Garaad

2- Majagure Beesha Reer Garaad

3-Ina Ciise Dhiif Beesha Warlabe

4-Cabdi Wayd Beesha Dir

5- Ina Shire Saalax Caato Beesha Aadan Siciid

6 Ina Faan faan Beesha Adan Siciid

7 Xasan Dekeli Beesha Adan Siciid

Ugu danbayntii haddii aad doonayso inaad Ka qayb qaadato  gurmadka looga hortagayo doorashada xaaraanta ah ee khasabka ah ee SNM, fadlan la xiriir Ururka SSP oo ah ururka qura oo fashilin kara huuhaada SNM Iyo Sanaag baa doorasho ka dhacaysaa. Maanta lama joogo maalintii dhex dhexaad laga noqon lahaa SNM iyo SSP oo isku haya gobolka Sanaag . Beesha Isaaq dhexdhexaad kama noqon siyaasadda Soomaaliya oo Somaliland ayeey ku midaysan yihiin. Adiguna dhex dhexaad ha ka noqon SSP iyo SNM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*