26th April 2024  admin  Category :

2 August 2010   Madaxweyne Faroole oo sheegay in wariye Cali Xaraare uu yahay qabiileyste.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa qudbadii shalay ee sanad guuradii 12’aad ee maamulka Puntland si toos ah u weerarey wariyeha VOA’da Cali Maxamed Xaraare.

Madaxweynaha ayaa ku sheegay Cali Xaraare inuu yahay nin qabyaaladi ay wado, uu wareysigii Maxamed Siciid Atamna uu isaga qurxiyey. Dad badan oo reer Puntland ah ayaa is weydiiyey hadalkii madaxweynaha Puntland oo uu lahaa shabaab ayaa nagu soo duuley, iyadoo haatana uu ku sheegay in qabyaaladi jirto, maadaama uu ku sheegay in ninka Atam wareystey ay isku reer yihiin.

Arintan ayaa waxay noqotey hadal heynta ugu badan qudbadihii shalay iyo dabaaldegii dadka reer Puntland. Hadii aad dhagaysato wareysigii Sh. Maxamed Siciid Atam, waxaa la oran karaa in uu su’aalaha ku adkeynayay Cali Xaraare. Wariyaha Cali xaraare ayaa si toos ah u weydiinayay su’aalaha iyadoo uusan u weydiinin qaab af u galin ah. Tusaale ahaan:

1)      wuxuu weydiiyey adigu alshabaab ma tahay mise ma tihid? Bal aqristoow eeg sida uu su’aasha u weydiiyey.

Hadii uu la jirsanayo dhanka Atam, wuxuu u weydiin lahaa sida soo socota:

2)      Dadka intiisa badan waxay leeyihiin Atam waa nin dadka deegaanka u dagaalamaya iyo dulmiga lagu hayo, arintaasi maxaa ka jira?

Bal isku fiiri labada tusaale. Cali Xaraare wuxuu ka midyahay wariyayaasha dhex dhexaadka ah oo lagu tilmaamo wariyayaasha Soomaaliyeed kuwa ugu aqoonta badan. Waxaana orankaraa in uu u weeraray Madaxweyne Faroole arin qabiil owgeed.

Ma aha markii ugu horeysay oo uu Faroole arinta qabiil ka dhigo, waatii uu qudbadii ka horeysay tan oo ahayd markii dagaalka uu dhacay uu kiciyey qabaa’ilada oo uu yiri “beelaha hubkooda ha qaataan, shalay kuwii hubka isku heystey oo bari ku dagaalamayay  hubka ha qaataan”. Sidoo kale ayaa waxaa madaxweyne Faroole uu ku caanbaxay dagaalada Qabiilka, isagoo lagu xusuusto in uu hada ka hor wiilal kasoo jeeda Sool uu ku laayay Garoowe. Waxaa kaloo lagu xusuustaa in uu hada ka hor ku dagaalamay Garoowe kadib markii jagada laga qaadey, isagoo sheegay in uu yahay beel Garoowe degta isla markaana uu xoog ku joogayo xafiiska xilkii laga qaadey.

Waxaan umada reer Puntland ee nabada jecel kula talinayaa, dabka uu wado madaxweyne Faroole in ay ka hortagaan. Isla markaana aysan caadifada uu wato aysan qaadin. Waxaan u sheegayaa umada reer Puntland in aysan waqtigan dagaal qabiil u durbaan tuman.

To:
Fadlan noo soo daabaca maqaalkan waxaan ka careysanehey qaabka uu wax ku wado Faroole Allsanaag waan idin kaga mahad-celineynaa sida aad ummada ugu sawirtaan xaqiiqda jirta.
Walaalyaal Allsanaag waa idin salaamey maadama aad tihiin website codka u ah beesha Daarood wxaan rabey inaan idin-la socod siiyo arin khatar ah ninka Fanaanka Soomaaliyeed sheegta ee Gaadaco oo Daaroodka hees UNC uu ku cayanyo ayaa ku jirta webka Waagacusub waxaana la-qaadaya Xaliimo khalif Magool sidaa daraadee fadlan arintaas soo bandhiga maadama aad tihiin dad saxafiyiin a

Ramadaan Kariim.

Waxaan salaamayaa Bahda Allsanaag.bacda salaan waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa war xaqiiq ah iyo sida foosha xun ee maamulka Faroole u shaqeeyo.
Warkan waxaad ka eegtaan Attachmentiga.Waxaan idinka codsanayaa inaad umadda reer Puntland gaarsiisaan si loo ogaado cida ay doorteen iyo sida ay wax u maamulayaan.

 salamu calaykum

Waxaan si joogta u akhriyaa webkiinna. Runtii ma xumidiin in kasta oo aan
jeclaan lahaa inaad more active noqotaan.

Aniga waxaan ahay nin Ogadeen oo deggan Jubbaland. Waxaan ka shaqeynaynaa oo
imminka gacanta ku haynaa sidii maamul goboleed Ogadeen uu hoggaaminayo uga
dhisi lahayn Jubbaland. Gedo iyo Mareexaanka waxaan kula talinnay inay
sameystaan Gedo maamul u gooni ah. Waxaa aqoonyahannadeenna ka mid ah rag
harti ah.

Waxaan weligay ka fikirayey markii jabhaddii SNM sow baxday sababta ay
Somalida kale ee woqooyiga Soomaaliya u aamusnaayeen.

Imminka suaashii ayaa taagan oo maalin walba waa taa ay SNM waddankii kala
sii jarayso.

Maxaad ugu dhawaaqi waydeen SSC land ama State oo madax iyo maamul aan
jabhad ahayn u samayn waydeen llaayn Iidoor idinkama aqoon badnee?

Fadlan ku dhawaaqa dawlad goboleed ay leeyihiin SSC?

Ku dhiiriya Awdal iyo Isse inay samaystaan dawlad Goboleed.

Waxaan qabaa in Iidoorku uusan lahayn Togdheer badankeeda oo ay leeyihiin
SSC people..

Jawaab deg deg ah ii soo dira

Aqoonyan darood oo walbahaarsan cadaaladdana ka tagayn

Dr Mohamed Zubeer

Jubbaland,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*