26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Garen) oo soo gaaray  Muqdisho waxaa garoonka Aadan Cade kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo marti sharaf kale .

Madaxweyne Lafta Gareen oo saxaafada kula hadlay hoolka martida ee garoonka aadan cade ayaa sheegay in muqdisho uu u yimid safar shaqo oo ku aadan fatahaada wabiga shabeelle uu ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka shabeellaha Hoose, oo ay ugu xoogantahay magaalada Afgooye waxaana sidoo kale uu markale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed,hay’addaha u qaabilsan gargaarka gobolka iyo dowladda federaalka inay ka qeyb-qaataan sidii wax loogu qaban lahaa dadka uu saameeyay fatahaada wabiga shabeelle.

“Waxaan u nimid inaan kawadatashano sidii aan waxa uga qaban laheyn xaalada bini aadanimo ee ka taagan qeybo ka mid gobol Shabeellaha Hoose kuwaasi oo ay saayeen fatahaadda wabiga shabeelle sidoo kale waxaan la kulmi doonaan mdaxda qaranka oo aan kala hadli doono arrimaha federaalka ayuu yiri madaxweyne lafta gareen.

Madaxaweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdi casiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa dhinaca kale hambalyo udiray sanad guurada 22-aad oo ay dabaal degayaan bulshada punlad oo ku beegan waqtigii la aas aasay maamulkaasi.

“Hambalyo ayaan leeyahay guud ahaan bulshada Punland oo maanta u dabaal degayo sanadguurada 22-aad eek u beegan aas aaska iyo dhismaha dowlad goboleedka, Putland waxaana leenahay hormar weyn ayaad gaarteen oo dhinacyo badan leh waxaan sidoo kale idin rajeynayaa guul iyo hormar balaaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*