1st May 2024  admin  Category :

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka uu ku leeyahay dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanka ay ka xun tahay talaabada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Shacabka ay kalsoonidii ugala laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa.Maraykanka ayaa ka digey in arrintan ay horseedi karto amni darro iyo qalqal ku yimaada arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya.

“Arrintan waxa ay cirka ku sii shareereysaa xiisadaha siyaasadeed isla markaana ay carqaladaynaysaa wadahadaladii bilowga ahaa ee u dhexeeyay xukuumada federalka iyo maamul goboleedyada dalka.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Safaarada ayaa intaa ku dartay in habraacii khaldanaa ee baarlamaanka uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

Waxana safaarada ay sheegtay in xasilooni,ammaan iyo horumar lagu gaari karo oo kaliya wax wada qabsi iyo hogaamiyaasha Soomaaliyeed oo ay meel dhexe isugu yimaadaan.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awooda kaligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

“Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.”

Safaarada ayaa ugu baaqday dowlada federalka iyo maamul goboleedyada,golaha shacaba iyo qeybaha kale inay sii wadaan fulinta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Sidoo kale Maraykanka ayaa ugu baaqay dhammaan hogaamiyaasha Soomaalida iyo saamileyda inay ka hormariyaan danahooda gaarka ah danta qarankooda.

“Waxaan tallaabo ka qaadi doonaa kuwa wax burburiya oo doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka iyo xasiloonida,dowladnimo loo dhan yahay iyo horumarka. Ma dooneyno in Soomaaliya ay waddo qaldan raacdo,Maraykanku waxa uu marwalba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha danta dalkooda ka hormariya tooda gaarka ah.”ayaa lagu soo gunaanuday qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*