26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Safiirada Dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo Midawga Yurub.

Kulamada uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Safiirada dalalka saxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa u jeedkiisu ahaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan guushii doorashada Puntland 08 Janaayo 2019, isbarasho guud iyo dar-dargalinta wadashaqaynta Puntland iyo beesha caalamka.
Madaxweynaha Puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira ayaa safiirada Dowladdaha Caalamka u soo bandhigey qorshihiisa hogaamineed ee beesha caalamka, isla’markaana waxa uu Madaxweynuhu dhan walba ka tusay Safiirada in Puntland ay u jiheysatey horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaale, mid maalgashi iyo wanaajinta xidhiidhka beesha caalamka iyo Puntland.
Safiirada dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo Midawga Yurub oo qayb ka ahaa wufuuddii caalamiga ahayd ee kasoo qayb-gashey caleema saarka Madaxda cusub ee Puntland ayaa Madaxweyanaha ugu hambalyeey guushii 08 Janaayo 2019.
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay Safiirada iyo diblamaasiyiinta wehelinayseyba booqashada iyo hambalyada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Madaxweynuhu xusey in uu kordhindoono wadashaqaynta Puntland iyo Beesha caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*