7th September 2024  admin  Category :

Yaxye Mustaf: Wiilka uu qabrigiisa noqday 73 mitir

Waxaa codkiisa la maqlayay laba ilaa saddex daqiiqo, laakin wixii intaasi ka dambeyay si lama filaan ah ayaa loo waayay codkiisa. Waynta shanqartiisa ayaa meesha ka saartay rajada laga qabo inuu badbaadayo Yaxye.

Wiilkan yar oo saddex jir ah ayaa ku dhintay ceel biyood laga qoday degmada Khyber ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.

Ka dib howlgal saacado badan qaatay oo ay sameeyeen kooxaha badbaadada, kadib ayna ku guuldaraysteen in  ay soo saaraan, ayaa waxaa lagu dhawaaqay in ceelkaas qabri looga dhigayo wiilkan yar, waxaana lagu dukaday salaada Janaasada.

Sidee shilkani u dhacay?

Kooxaha gurmadka ayaa muddo waday dadaallo ku aaddan sidii wiilkan yar ay u badbaadin lahayen

Musiibadan ayaa ka dhacday deegaanka Tehsil Bara ee Khyber. Mustafa, oo ah aabaha dhalay Yaxye, waa nin aragga naafo ka ah, waxaana lasoo deristay murugo aad u weyn oo isbeddel ku sameysay noloshiisa.

Waxa uu BBC-da u sheegay in isaga iyo wiilkiisa oo saddex jir ah ay tageen bakhaar sibirka lagu iibiyo oo ay qaraabadiisu leeyihiin una dhow guriga uu Yaxye kula ciyaarayay carruur kale, halkaas oo uu ku yaallo ceelka dhirirkiisu yahay 73 mitir oo ah kan uu ku dhacay Yaxye.

Kooxaha badbaada ayaa la harjadayay sidii ay u badbaadin lahayeen wiilkaan yar saacado badan, hase yeeshee waxay sheegeen in godka oo aad u dheeraa iyo balliciisa oo yaraa ay suurta gali wayday in lagu guulaysto badbaadinta, Yaxye. Sida laga soo xigtay kooxaha gurmadka sameyay ee degmada Khyber, wiilkan yar ayaa godka ku dhacay shalay abaaro saddexdii galabnimo .

Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka oo lagu magacaabo  Bilaal Axmed ayaa sheegay in gurmadku uu sacday 24 saac.

Waxa uu sheegay in kamaradaha wax lagu baaro, qalabka wax lagu dhegeysto iyo aaladaha kale ay isla markiiba lagu eegay xaaladda ilmaha yar balse wax dhaq-dhaqaaq ah, iyo dhawaq aan la dareemin.

Bilaal ayaa sheegay in hal qorshe uu ahaa in meydka canugaasi la qodo oo dib loo soo saaro, balse maadaama ay maalmo qaadaneyso, qoyska iyo dadka deegaanka ay go’aansadeen in ay godka qudhiisa qabri looga dhigo.

Cod ayaa la maqlay wax yar kadibana waa la waayay

Abbaha dhalay Yaxye ayaa aragga naafo ka ah

Aabaha dhalay Yaxye Mustafa, oo indho la’ isla markaan axanuusan, ayaa BBC u sheegay in shalay laba saac ilaa saddex saac, ay u socdaalayeen deegaanka ceelku ku yaallo, isaga iyo Yaxye iyo sidoo kale wiil kale . “Ka dib waxaan gaaray meeshaas, waxaan la fadhiistay asxaabteydii,” ayuu yiri Mustafa.

Waxay sheegeen in muddadaas Yaxya iyo walaalkii ay bilaabeen inay aadaan agagaarka godka uu ku dhacay laakiin muddo ka dib ayaa wiilkooda oo shan jir ah u soo orday inuu u sheego in Yaxya uu ceelka ku dhacay.

“Waxaan isla markiiba gaaray meeshii ceelka. Ceelka ayaan gacanta galiyay,  waan waayay, wuuna sii dhaadhacayay, inta uu hoos u sii dhaadhacayay ayuu xanuun la barooranayay oo uu dhawaaqyo,”

Kooxaha gurmadka iyo mamaulka dowladda ayaa qoyska wiilkan yar u muujiyay garab istaag

 Mustafa ayaa sheegay inuu maqlay codka wiilkiisa yar oo ka yeeraya godka dheer ee uu ku dhacay, balse markii uu wayay uu dareemay in aysan suurta gal ahayn in wiilkiisu uu badbaadayo.

Intaas ka dib, samatabbixiyeyaashii iyo dadkii kale ayaa bilaabay dadaallada ay ku badbaadinayaan Xayxye. Maamulka degmada shilku ka dhacay ayaa la sheegay in ay aabbaha siiyeen xoogaa lacag ah maadama ay isugu darsamene daruufo xanuun hay aiyo musiibadaan u uku waayay wiilkiisa yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*