31st October 2024 admin Category :
Waa maxay sababta safafka loogu jiraa Isimada Warsangeli oo aan Soomaali inteeda kale ayna kala sinanyn?
Shirkii ka dhacay magaalada Mugdisho ee gobolka Banaadir intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020, waxa ka soo baxay heshiis ay Soomalida intii siyaasadda u xorta ahayd ay ku wada gaareen.
Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha .
Heshiiskan ay Soomaalidu intii siyaasadda u xorta ahayd wada gaareen waxaka mid aha labo Qodob oo si cad u saamaynayey Beesha Warsangeli ee degta Gobolka Sanaag iyo Hayland.
Qodobka kowaad oo oranaya In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta. Qodobkaas waxa jebiyey maamulka Puntland, isga oo aan doonayn inuu ka caraysiiyo maamulka Soomaaliya diidka ah ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiim. Ilaa hadda ma jiraan Isim ka soo jeeda beesha Warsangeli oo ka hadlay sababta keentay in Dhahar iyo Badhan aan lagu qaban doorashada Xildhibanada dawladda Soomaaliya.
Qodobka labaad iyo sadexaad, oo sheegaya, In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas iyo In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
Labadan Qodob oo danbe , sida muuqata waxa jebiyey Isimada Warsangeli, waxayna u muuqdaan kuwa kaligii talisnimo magaca Isimaka uga qaraabanaya, si ay hanti gaar ah u leeyihiin. Doorashaddii oo aan la gaarin ayeey shaaciyeen cidda ay la doonayaan inay noqdaan Xildhibaanada soo socda iyaga oo aanwax tix gelin ah siin Bulshaddii wadaagtay Kursigan , Siyaasiyiintii degaanka ee damaca lahayd siyaasadda si toos ah ayeey niyad uga jebiyeen, sidii marar hore dhacday , Qaar ka mid ah Isimada waxay sidan u samaynayaan waa xiriirka wanaagsan oo ay leeyihiin maamulka Hargaysa.
Maamulka Puntland, haddii ay ka dhab tahay doorasho xor iyo nidaam dawladeed ama sida beel ahaan ( MAJEERTEEN) wax ugu doonayaan beeshooda , waa ogyihiin in Isimada qaarkood ay la shaqaystaan Soomaali land oo ay ku eedeeyeen inay gacan saar la leeyihiin alshabaabka Buuraha Calmadow. Sidaas awgeed Isim la shaqaysta SNM oo alshabaab taageerta, sharci ahaan ama Dadnimo ahaanba ma ahyn marka horeba inay ka ogolaadaan inuu Xildhibaano Soomaaliyeed wax ka soo xulo.
Ugu danbayntii Xildhibaanada ka soo jeeda Sanag iyo Hayland ee ka mid noqonaya Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka mid noqonaya waxay u wada dhaxeeyaan dhamaan Bulshadaku nool gobolkaas inay ugu wada tartamaan si caddalad ah oo waafaqsan nidaamka Soomali oo dhami ku wada ku heshiisay ee ah in Xildhibaanka wada doortaan Isimada, Bulshada iyo Maamulka ay ka tirsan yihiin. Siyaasiyiinta, beelahooda kalifaya oo hal Qof waydiisanaya Xildhibaan, waxay u tahay liidnimo iyo inuu xoojinayo kaligii talisnimo aan degaanka horay looga aqoon. Siyaasigaasi berina degaanka wax u soo kordhin maayo.
Allsanaag.com
Warsangeli cid ugama badna Boosaaso.