4th December 2024 admin Category :
Qoraalka waaranka ah ee kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay maxakammaddu aqbashay codsi kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka , sidaasi daraadeedna ay maxakamaddu fareyso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto baa la yiri, waa in aad soo qabataa isla markaana aad hor keentid Maxkamadda Gobolka Banaadir eedeeysane Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe ).
Qoraalka Maxkamada a ayaa wax kale oo lagu xusay in Axmed Madoobe uu ku kacay faldambiyeedyo lid ku ah Wadajirka iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed , khiyaano Qaran iyo fal dambiyeed lid ku ah xog lala wadaagay dal shisheeye sidoo kalena u uku kacay faldambiyeed lid ku ah Nidaamka iyo Dastuurka dalka .
Madaxweynaha JubbalĂ nd Sayid Axmed oo ay maxkamdda Muqdisho ku taalaa ay leedahay wuxuu ku kacay khiyaano Qaran ayaa dhowaan doorasho ka dhacday xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo wuxuu ku guulaystay hogaanka maamulkaas, waxana u hanbalyeey inta badan Soomaalida.
Gudoomiyaha Maxkamadda Muqdisho. xeer ilaaliyaha amarka ka soo qaaday madaxweynaaha , iyo inta badan siyaasiyinta Muqdisho tobaadkii Ina soo dhaafay waxay ku kulmayeen tacsidii Siilaanyo iyo hanbalyaddii Ciro. Labadan siyaasi ee ka soo jeeda maamulka Somalikand ayaa noloshooda intii badnayd ku qaatay dagaal ay ku l a jiray midnimada Soomaaliya iyo wada jirkeeda..
Siilaanyo oo geeriyooday iyo Ciro oo maanta duco loogu qabnayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, horay ayeey ugu kaceen u bareereen khiyaano Qaran, kamana toobad keenin, loomana soo maxkamadayn hase waxa xusid mudan in madaxweynihii Soomaaliya ee dalka hogaaminayey ee fadhiyey xafiiskii ugu sareeyey Soomaliya u u hanbalyeeyo Daba dhilif qabyaalad ugu guulaystay inuu Soomaaliya kala goynayo. Isla maalin ka dibna u ducaynayz Siyaasi ka ducaysan jiray midnimo Soomaaliyeed, oo dad badan oo Soomaaliyeed oo ka hor ymidnz ay xasuuq ku mutaysteen
Maxkamad
d