1st February 2025 admin Category :
Yaa gobolka Sanag ka kireeyey qayb ka mid ah maleeshiyaadka Isaaq ee SNM.
In qaybo ka mid ah Maakhir, gaar ahaan Buuraha Calmadow in maanta xoog lagu haysto, dadkii ku noolaana laga Barakiciyo waxa sabab u ahaa :
1-Madaxda Maamulka Puntland oo dano gaar ah ka leh buurahaas,
2- Reer Maakhir oo u fududeeyey damacii madaxda Puntland, sababtoo ah intooda badani waa ka aamuseen bilowgii sheekadani bilaabantay in saldhigyo laga samaysto buuraha Calmadow. Wxay ahayd inay ka hadlaan oo ka hortagaan
3- Koox reer Maakhir ah oo fududaatay una sahlay damacii madaxda Puntland ee Aaran jaan waqtigaas iyo in kale oo Seef la boood reer Maakhir ah oo waali ku taageertay kooxdii fududaatay ee Buurta gashay oo u habar wacatay Jin iyo Jaan
Maanta mid tii la mid ah ayaa ka jirta ama ku soo socota Maakhir, labo maleeshiyaad oo ka soo kala jeeda beelaha Isaaq ayaa qaarna dhinaca Bari laga soo hubaynayaa kuwa kale galbeed ka soo socdaan. Halka laysku arki doono oo dagaalkoodu ka dhici doonana ay noqon doontaa degaan ka mid ah Soolka gobolka Sanaag , degaanada Xadeedka iyo Buuraha Karkaarka.
Maleeshiyaadka Isaaq, dagaalkan ka dib kii guulaysataba wuxuu saldhig ka samaysan doonaa Dhahar iyo Xingalool inta u dhaxaysa. Waxayna ku dhawaaqi doonaan in Xadkii Talyaaniga iyo Ingiriiska la soo xiray. Caada qaataayshii Warsangelina waa u ilaalin doonaan xadkooda. Maleeshiyaadkii Isaaq ee Bari iyo galbeed ka kala yimidna waa heshiin doonaan. Axmed Taaran, Faroole, Shido iyo Ina Siciid Samatar waa sidii ay doonayeen.
Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay yaa ka kireeyey SNM gobolka Sanaag ? Yaa u ogolaaday Jabhadka Habar yoonis ah iyo ciidankiisu inay gobolka si xor ah u dhex maraan.
Madaxdii Puntland ee 10 sano ka hor ku abuuray argagixisada Buuraha Calmadow, iyaga oo ku gabanaya maamulka Puntland ayaa maantana wata qorshahan ah in saldhigyo laga siiyo maleeshiyaad SNM gobolka Sanaag.
Bulshada reer Maakhir, oo horay Faroole iyo Aaran jaan u soo tijaabiyeen markii Duhur cad ay Shacabkii reer Galgala ay ka Barakiciyeen degaanadooda, iyaga oo ka gubaya Dalagyadii kala gedisanaa ee ay beeran jireena, iyagu Waa aamusan yihiin oo waxay sugayaan Caare iyo Taaraan waxay samayn doonaan.
Aaran Jaan oo Faroole horboodayo iyo GBP oo ah haraagii Jaamac Cali Jaamac iyagu fal kasta oo ay sameeyaan cabsi kama qabaan FAL CELINTA reer Maakhir
. Bulshada reer Maakhir ee aamusnaa maalintaa natiijada iyo naxariista Aaran jaan ayeey sugayeen, sida ay hadda yihiin . Waana tan keentay Dad- qal ka yimid Baydhabo iyo Beer inay xooga ku joogaan buuraha Calmadow.
Ugu danbayntii waa in si deg deg ah looga mamnuucaa gobolka Sanaag maleeshiyaad hubaysan oo si xor ah u dhex maraya inta u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Qardho. Waana in loo howl galaa sidii Dadqalatooyinka looga saari lahaa Buuraha Calmadow. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo gobolka metelana waa in uu mowqifkiisa muujiyaa inuu Aaran jaan iyo caare la socdo iyo inuu ka qayb qaadanayo joojinta maleeshhiyaad hubaysan oo gobolka si xor ah u dhex mara
Allsanaag.com
https://youtu.be/0UId3NzPOME