
28th May 2025 admin Category :
Yaa ka Qeybgeli doono shirka wadatashiga ee dowladdu ku baaqday muxuuse yahay ajenduhu?
Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilowday latashiyo ballaaran oo lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan ururrada siyaasadda, kuwaas oo looga arinsanayo ka qaybgalka shirka qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bisha soo socota ee Juun.
Shirkaas oo lagu lafa guri doono arimaha amniga iyo siyaasadda ayaa lagu martiqaadi doonaa siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka.
In dhawaalaba waxa soo baxayay mucaaradad xoog leh oo ka imaanaysay madaxdii hore ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo diidan hannaanka dawladdu u maaraynayso doorashada soo socota iyo wax ka badalka lagu sameeyay qaar kamid ah cutubyada dastuurka kmg ah.
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee xukuumadda Federaalka Xasan Macalin Maxamuud oo BBC-da uga warramay la tashiyada socda ayaa sheegay ina la filayo shirku in uu qabsoomo bisha soo socota.
Wasiirka ayaa sheegay in gogosha uu ku baaqay madaxweynaha ee la qaban doono bisha soo socoto in ay ka qey geli doonaa qeybaha bulshada oo dhan oo ay wada quseyso. “ Dhamaan waa la casuumi doono haddey yihin maamulada jira ee sharciga ah, haddii ay yihiin madax hore , hadii ay yihiin ururo siyaasadeed, urururo bulsho. dhammaantood waa la casuumayaa” ayuu yiri Xasan Macallin oo intaas ku daray dhammaan Arimahaha quseeya ee masiiriga ay ayey gogoshaasi noqon doonto mid looga hadli doonaa isagoo intaasi ku daray in ajenda la dejiyay hadda uusan jirin.