25th October 2024  admin  Category :

Xildhibaano ka mid ah Maamulka Puntland ayaa si indho la’aan ah u canbaareeyey maamulka Puntland oo dhawaan xiray xubno ka mid ah guddiga wadada dhex marta magaalada Boosaaso.

Hadaba, xubnaha la xiray ayaa si sharci darro ah uga guddoomay lacago dawladda federaalka taas oo si toos loogu soo diray si loogu burburiyo jiritaanka maamulka Puntland iyo sidii la isaga hor keeni lahaa shacabka iyo dawladda.

Waxaase wax lala yaabo ah in xildhibaanadii ay aheed ineey dalka iyo dadka ka difaacaan cadawga burburinaya jiritaanka Puntland in iyagii ay dawladdii dhaliilaan, iyagoo sheegaya in dadka la xiray ay ahaayeen culimo ay aheed in wax qabadkooda lagu ammaano. Hadaba, yeey tahay in la canbaareeyo ma dawladda federaalka mise maamulka Puntland?

Haddii Farmaajo uu kheeyr qabo yahay muxuu lacagta uu ugu soo hagaajin waayey maamulka Puntland si dabadeed maamulka uu ugu wareejiyo lacataas guddiga wadada dhiseeysa? Maxaa ku qasbaya in Farmaajo guddiga uu toos ulla soo xiriiro? Farmaajo ma yeeli lahaa in beesha caalamka ay sadaqada ay ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ay toos u siiso shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyagoo dhinac maraya dawladda federaalka?

Marka qof shiikha ah uu dhinac maro dawladdii, noqdana qaa’inul wadan in la xiro waa mid waajib ah. Yaa yiri qofka haddii uu shiikh yahay lama xiri karo?

Maamulka Punltand waxaa waajib ka saaran yahay in cid kasta oo loo soo adeegsanayo burburinta Puntland ay tallaabo ka qaado ama caaqil ha ahaado ama shiikh ha sheegto. Dadka Puntland ee aaminsan in Muqdisho uu kheeyr uga imanayo waa kuwo aan habbeen jirin, Muqdisho wax kheeyr ah oo ka yimaadaa maba jirto, waxeeyna jeclaan lahaayeen ineey arkaan Puntland oo eber noqotay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*