10th January 2025 admin Category :
Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha Tel Aviv
Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa Jimcaha maanta sheegay inay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Israa’iil, ka dib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in gantaal dhexda laga qabtay.
Weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay sheegteen ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ay Khamiistii duqeymo ka gaysatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaalla goobaha ay mucaaradka ku sugan yihiin ee Yemen.
Bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale diyaarado aan duuliye lahayn ay u direen magaalada Tel Aviv iyo markab ku sugan Badda Carabta.
Waxay sheegeen in “gardarrada Israa’iil ay sii kordhin doonto un go’aanka iyo adkeysiga shacabka Yaman ay ku sii wadayaan taageerada ay siinayaan shacabka Falastiin.”
Milateriga Israa’iil ayaa horaantii Jimcaha sheegay in “hal gantaal oo laga soo tuuray Yemen la qabtay ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil.”
Weli kama aysan hadlin weerarada kale ee ay sheegteen Xuutiyiinta.
Khamiistii, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weeraray garoonka diyaaradaha ee Sanca halkaas oo madaxa hay’adda caafimaadka adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu sheegay inuu sugayey duulimaad.
Afar qof ayaa ku dhintay weerarka garoonka, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 20 qof oo safar ahaa iyo shaqaale, sida uu maanta sheegay sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta.
Madaxa WHO ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda uu raaci lahaa uu ka mid yahay dadka dhaawacmay.
Duqeymaha ka dhanka ah waxa ay militariga Israa’iil ugu yeereen “bartilmaameedyo militari” waxaa ku dhintay guud ahaan lix qof, sida ay sheegtay warbaahinta Xuuthiyiinta, waxaana ay ku soo beegmeen maalin kaddib markii fallaagada ay sheegteen weeraro gantaallo iyo kuwa drone in ay ka fuliyeen Israa’iil.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca ayaa dib u howlgalay abaare 10:00 subaxnimo ee Jimcaha, sida uu shir jaraa’id ku sheegay ku-xigeenka wasiirka gaadiidka ee Xuutiyiinta Yahya al-Sayani.