8th September 2024  admin  Category :

Xoogsade Afrikaan ah oo dhaxal u helaya balaayiin doollar, maxayse tahay sababtu

Ninkan shaqaalihiisa ahaa ayaa laga yaabaa inuu dhaxlo $5.9 Bilyan oo ah hantida Puech ah uu ku leeyahay dalalka Switzerland iyo Morocco.

Puech ayaa diiwaan galiyey in ninka ka shaqaynayey beertiisa uu maray nidaamka waalid u noqoshada, laakiin hanaanka sharciyada korsashada ee Switzerland ayaa diidaya korsashada dadka waaweyn.

Nidaamka ayaa qaba in qofka ama kooxda wax korsanaysa ay xiriir wadaag la yihiin korsadaha ugu yaraan qaybaha hore ee caruurnimadiisa iyadoo la raacayo xeer kale oo qeexaya qofka qaangaarka ah ee korsanaya waa inuu ugu yaraan hal sano kula noolaaday waalidkii korsaday isagoo yar

Dhanka kale, korsashada dadka qaangaarka ah maaha wax caadi ah oo ka dhaca Switzerland, halkaas oo Puech u deggan yahay sababo canshuuraha la xiriira.

Si kastaba ha ahaateen bilyaneerka Puech ayaa lagu eedeyey inuu hore u bilaabay hababka korsashada ee ninkan ka shaqaynayey beertiisa ee aan la magacabin si uu u siiyo dhaxalkiisa. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dagaalo sharci ah oo ku hareeraysan qoondaynta hantida Puech.

Puech si toos ah uguma lug lahayn hawlaha shirkadda Hermès wuxuuna ka tagay guddiga kormeerka sanadkii 2014-tii.

Sidoo kale ninkan waxaa hareeyey khilaafaad qoyskiisa ah oo la xiriiray saamiga shirkaddda, Puech maaha qofka kaliya ee taajiriinta ka mid ah ee sameeya go’aamo aan caadi ahayn oo ku saabsan rabitaankooda iyo hantidooda.

Sanadkii 2011-kii ayuu Puech balan qaaday in hantidiisa uu ugu deeqi doono hay’adda Isocrates Foundation oo ah urur samafal oo uu aasaasay kaas oo bixiya deeqo lagu ‘taageeray doorka aasaasiga ah ee ururada bulshada rayidka ah ee ilaalinta iyo kicinta doodaha dadweynaha.

Sida laga soo xigtay shabakadda hay’addan, waxay maalgelisaa oo taageertaa saxafiyiinta danta guud iyo ururada warbaahinta iyo kuwa ah saxafiyiinta wax baara.

Sidan oo kale waxaa sameeyey naqshadeeyihii maalqabeenka ahaa ee u dhashay Britain Alexander McQueen oo bixiyey hantidiisa qaar ka mid ahayd intii aanu geeriyoon ka hor sanadkii 2010-kii.

Sanadkii 1988-dii waxaa sida ninkan Marookanka oo kale dhaxashay mulkiilaheedii dhintay bisad la oran jiray Blackie taas oo heshay lacag lagu qiyaasay 7 milyan oo dollarka Canada ah.

Milyaneerkan Ben Rea, ayaan wax lacag ah ugama tagin qoyskiisa basle bisadda dhaxashay ayaa noqotay mida ugu qanisan dunida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*