20th September 2024  admin  Category :

“Xitaa qeyb yar oo jirkiisa ah ma helin seygeyga, CCTV un baan ka aragnay isagoo gaariga qarxay ag maraya”

han sano kahor maanta oo kale, 14-kii Oktoobar, waxaa Soomaaliya ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa inta la xusuusto, waxaana maalintaas isgoyska Soobe iyo hareerihiisa ku dhintay boqollaal qof, iyadoo boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya waxay qaraxaas ku eedeysay Al-Shabaab, inkastoo kooxdaas aanay ka hadlin dhacdadaas.

Dadka dhintay, in badan waxay ahaayeen kuwii reerahooda u shaqeyn jiray ee biili jiray, balse geeridoodii kaddib shan sano, qoysas badan ayaa wali la kufaa-kacaya soo saarista nolol-maalmeedkooda.

Istar Daahir Maxamed waxa ay ka mid ahayd dadkaas. Waxaa qaraxaas ku dhintay seygeeda Abshir Nage Cilmi. Ninka dhintay waxay u dhashay 7 carruur ah, kuwaas oo labo ay cudurro u geeriyoodeen qaraxa kaddib.

Istar oo wareysi siisay BBC-da ayaa ka sheekeysaysay sida ay wax u dhaceen iyo saameynta geerida seygeeda ay ku yeelatay noloshooda.

“14 kii Oktoobar ayaan ku waynay odaygii [qoyska] Soobe. Isaga xamaalato ayuu iska ahaa oo ma ahayn qof maanta meel ka shaqeynaya ama ay goob u furneyd, balse qaraxaas ayuu la kulmay isagoo xamaaligii iska soo aaday.”

“Meydkiisa waan waynay saan u raadineynay waan ka quusanay,  xitaa qeyb yar oo ka mid jirkiisa ma helin. Kaamiro CCTV ayaa qabatay isagoo ag maraya gaarigii qarxayay oo Bisha Cas agteeda laamiga ka goynaayo, marka saas ayaan ku fahannay in uu meesha ku dhintay.”

“Taleefankiisana inta aysan wax dhicin ayuu lambar kale iga soo wacay, anigoo markaas ilmaha wax u weydiinayay, wuxuuna igu yiri ‘taleefankeyga dab-la’aan ayuu iga yahay ee haddii aan wax helo anigaa wax yar ka bacdi kuu soo tuuraa. Markaan saas khadka uga baxayna qaraxii ayaa dhacay.”

“Waan dareemay. Isla markiiba waan naxay. Kaddibna taleefankiisa ayaan isla markiiba wacay. Lama heli karo … lama heli karo, ilaa toban saac camal saan u wacaayay u wacayay waan waayay. Lama heli karo luu ahaa.”

“Kaddib dadkii ayaan gaar gaarsiiyay. Ma aragteen ayaan dhahay wiilashii ay meelaha isla fariisan jireen. Qaar ka mid ah ma bixin oo shaqo maalintaas ma soo aadin. Waan weydiiyay ma arkin ayay i dhaheen. Marka wiil annaga aan isku xaafad aheyn ayaa waxuu yiri ‘isagoo farmashiya hortiisa fadhiyo ayaan markaas uga tagay’.”

Istar Daahir Maxamed
Qoraalka sawirka,Istar Daahir Maxamed

“Waan tagay goobta uu qaraxa ka dhacay muddo isbuuc dhan baan meesha ku noqnoqnayay  iyada oo xabbado nalagu celinaayay. Xitaa markaas waalli ayaan ku dhawaaday. Qofkii meesha laga soo bixinayaba isaga saan ugu maleyneynay waan waynay.”

“Isbuuc dhan ayaan meesha ka raadineynay oo dadka laamiyada laga qufaayo hilbaha dadkii gubtay, isbitaal Madiino habeenkii oo dhan ayaan dhax wareeganeynay, annagoo meydadka gadgadineyna, si aan u helo meydkiisa, balse, waan ka waynay. Intaas dad qaar ayaa lug laga arkay, dad ayaa gacan laga arkay, laakiin, isaga wax astaantiisa ah xitaa waan waynay.”

“Culeysyo badan ayaan dareennay xagga ilmahoo kaleeto, xamaalataba ha iska ahaadee cawo-barigooda aad ayuu nooga qaabbili jiray. Hadda markuu aabbaha naga dhintay culeys weyn ayaan dareennay.”

“Intuu isaga noolaa toddobaa ii joogtay labo hadda dhow ayay iga dhimatay. Jadeeco iyo xiiq-dheer ayaa iiga dhacday marka hadda shan ayaa ii joogto.”

“Aniga wali ma illoobin markaan meesha maraayaba xusuus ayaa igu soo dhacda. Wax aan illoobay ma lahan. Caloosheyda ilaa hadda wey qalactamee, markaan meesha maraayana mindi cusub wax la dhex mariyay camal ayay caloosheyda tahay. Ma illoobin shan sanana wey ka soo wareegatay. Markaan meesha maraayaba xusuus badan ayaa igu soo dhacda iyo dhibkii iyo rafaadkii iyo burburkii aan indhaheyga ku soo arkay, markaan meydka raadinaayay.”

“Ilamaheyga shan sano ka bacdi rafaadka iyo dhibka anigaa u soo maraayay. Magaalada ayaan uga soo xariiftamaayay; dhar-dhaqow ha dhihin, nadaafad ha dhihin, waxaan keensado ayaan ilmaheyga ku nooleysanaayay. Qof hadda i dhahaayo caawinaadkaan aan ku siiyay ma arkin. Wali aniga lee isaga rafaadaayay ilmaheyga, booskii aabbahood inkastoon u buuxin karin aniga lee wax u raadsanaayay ilamaheyga.”

 Waxaa jira dad badan oo la mid ah amaba ka sii daran Istar Daahir Maxamed oo maalintaas ay noloshooda mugdi gashay.

Haddaba maxaa dhacay maalintaas?

Gaari nooca xamuulka qaado ah ayaa galab Sabti ah, xilliga salaadda casir, oo ku beegnayd 14-kii Oktoobar 2017, ku qarxay isgoyska Soobe. 

Qaraxii Soobe

Muuqaal ay duubtay kaamirada amniga oo la baahiyay waxaa laga arkay waddada oo ay gawaari badan ku jiraan, saxmad aad u sarreysana ay ka jirtay, iyo gaariga oo ku qarxay bartamaha waddada.

Kaddib qiiq iyo uuro ayaa is qabsaday goobta, waxaana burburay dhismeyaashii ku dhowaa aagga. Waxaa qaraxaas laga dareemay xaafadaha ku hareereysan Soobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aad u cuslaa aawadeed, isla markiiba lama helin xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, waxayna tirada sii kordheysay ilaa muddo isbuucyo ah.

Dadkii ku dhintay ayaa isugu jiray dhallinyaro, odeyaal, ganacsato, arday, iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*