7th September 2024  admin  Category :

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 22-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay ku-xigeenka kowaad iyo Labaad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo maanta ahaa sii-wadidda ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo la bilaabay Cutubka 3-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka hadlaya Dhulka,Hantida iyo Deegaanka Qodobka 42-aad 47-aad.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Iidow, oo faafaahin ka bixiyay furitaanka cutubka Seddexaad ee wax-ka bedelka Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in cutubka uu muhiim u yahay Dhulka, hantida iyo Degaanka ay leedahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka Saddaxaad ee dib eegista Dastuurka, ayaa waxaa looga dooday, Dhulka, Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Dhulka, Shuruudaha Xubinnimada Guddiga, Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Deegaanka.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo soo xirtay Fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in maalinta sabtida ah ay dhameestiri doonaan ka doodista Custubka 3aad ee Dastuurka Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*