4th October 2024  admin  Category :

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyay guddiga dib-u-eegista Dastuurka KMG 

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta hor geeyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen  Wasiirrada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood, ayaa golaha waxay u qaadeen cod ayagoona ku ansixiyay cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.waxaana ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo la socodka dastuurka, 143-Xildhibaan oo ah tirada kulanka uu ku furmay.

Ansixinta kadib, ayaa wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud wuxuu u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha gudiga madax bannaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah: 

1. Mohammed Hassan Idriss

2. Ahmed Mohamuud Jama

3. Mohamed Abdalla Salah

4. Farhia Mumin Ali

5. Burhan Adan Omar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*