29th March 2024  admin  Category :

Xildhibaanaddii ay reer Puntland Muqdisho u dirsadeen waa kuwan Ceelgaabta iyo Guriga hooyooyinka marba askari dable ahi uu ku bah dilayo.

Doodaha Baarlamaanka dawladda Federaalka marka ay ka socdaan magaalada Muqdisho, waxa had iyo jeer ka hadla oo aynu muuqaalkooda aragnaa waa Xildhibaanada Beelaha Hawiye iyo Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Farmaajo oo u badan golihiisa wasiirada.

In badan oo reer Puntland ah ayaa is waydiiya xagee ku maqan yihiin xildhibaanadii aynu Muqdisho u dirsanay, maxayse uga hadli waayeen danaha shacabka reer Puntland oo ay wakiilka uga yihiin Baarlamaanka Federaalka. Bulshada reer Puntland ayaa waxay kaloo iswaydiiyaan in Ciidanka Qaranka lagu sheego ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya inay ku leeyihiin taliyaal.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maas, ayaa ka sheekaynaya dhibka ka haystay Muqdisho xildhibaanada Puntland iyo Saraakiishooda

Askartii Cabdulaahi Yuusuf ka kaxaystay Puntland intii la dilay maahee intii kale mid lama dalacsiin. Aliflayaashii ay ugu yimaadeen Muqdisho ayaa maanta taliyaal u ah. Caruurtii sagaal jirka ahayd ee maalintaasna waa abaanduulayaal

Sawirka sare waa caruurta qabyaaladda lagu dalcasiiyey. Sawirka hoosana waa kuwa dulman

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*