19th September 2024  admin  Category :

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay Kulanka 11aad guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo looga hadlay Ka warbixinta xeer hoosaadka Golaha, waxaana warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka Mudane Abdisamad Macalin Maxamuud isagoo sheegay in la soo gabagabeeyay diyaarinta Xeer-hoosadka Golaha, sidoo kale waxaa warbixin laga dhagaystay labada guddi ee Amniga iyo Difaaca kaas oo looga hadlay Amniga Xildhibaannada iyo xasaanadooda. Waxeyna sheegeen in ay soo diyaariyeen warbixinta una gudbiyeen guddoonka isla-markaana kulanka soo socdo la hor-keeni doono Guddiga Joogtada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*