15th July 2026  admin  Category :

XIL/𝗝𝗔𝗚𝗢 𝗜𝗦𝗞𝗘𝗘𝗗 U 𝗫𝗨N 𝗔𝗠𝗔 𝗟𝗜𝗜𝗗𝗔𝗧𝗔 𝗠𝗔 𝗝𝗜𝗥𝗧𝗢

𝗔𝗳𝗲𝗲𝗳: inkastoo aan aaminsanahay in Dowlad Goboleedka loo dhiso deegaannadaas, haddana kuma qanacsani sida wax loo qaybsaday oo labo ka mid ah waxyaabihii isu dheellitiri lahaa maamulkaas ay dhinac isu raaceen sida (1) caasimaddii in ay hal magaalo laga dhigay, (2) kuraasta baarlamaanka oo dhinac u badan. Waxaa qudha oo laga taxaddaray in ay qolo ku habsato waa (3) madaxweynaha oo kaltan laga dhigay, marka laga reebo marka aad oo tartan furan ah (taasna ma xuma). Dadka qaar baa la yaaban dheellitirkaas, balse waxaa qudha ee taariikhada dowlad dhiska Soomaalida laga bartay (qofkii wax dhug u yeesha weeye), waa in reerka wax badsada sida kuraasta baarlamaanka ama caasimadda ay ka sii qaadaan kibir, afxumo, sedbursi kale oo xilalka hay’adaha kalena ay sameeyaan. Sida ilaa hadda ii muuqatana reer Khaatumo waaba bilaabeen afxumadii iyo kibirkii oo qaaqleyaashoodii baaba leh reer Maakhir maxay nagu darsadeen, may naga tagaanba!!!

𝗫𝗶𝗹/𝗷𝗮𝗴𝗼 𝗶𝘀𝗸𝗲𝗲𝗱 𝘅𝘂𝗻 𝗮𝗺𝗮 𝗹𝗶𝗶𝗱𝗮𝘁𝗮 𝗺𝗮 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗲, waxaa xilka macna u yeela is-dheellitirka, isla-xisaabtanka, iyo talinta sharciyga ee ka dhex jira hay’adaha maamulkaas ama dowladdaas. Xilalka waxaa loo sameeyay baahida hay’adaha maamulka/dowladdaas e looma sameeyo qancinta reeraha, waase in dadka dhulkaas deggan iska wada arkaan si guud, qaban karaanna xil kasta, oo aan cid gaar ah xilalku u xirnaan. Taasna waxaa saameyn ku leh habdhaqanka dadka ama ummadda maamulkaas/dowladdaas dhisatay.

Hannaan maamuleedka (governance system) aynu ka soo miinguurinnay reer Galbeedka ee isdheellitirka laamaha dowladda ma aha mid dhaqanka qofka Soomaaliga ah gacma xira. Waa sababta baarlamaannadeenna (heer kasta ay yiihiin) u noqdaan kuwa laanta fulintu laqdo, oo ku soo hara u sacabtumid wax kasta oo la horkeeno. Ma aha khalad ay xildhibaannadu leeyihiin e, waa habdhaqanka qofka Soomaaliga ah baa ku dhisan in hadba cidda lacagta iyo xilalka gacanta ku haysa laga aamino in ay sida ay rabto wax kasta u dhacaan, qofkii ka horyimaadana la kulmo ciqaab oo ku keliyahay. Taas ayaa keentay in xilalka qaarkood noqdaan kuwa waxmatareyaal ah, ilaa la gaaray in xilalka qaarkood noqdaan in la isku caayo, sida haddaba ka socoto baraha bulshada.

Waxaa taas looga bixi karaa dheellitir lagu sameeyo (1) kuraasta beelaha ay kala helaan in si siman ama isu dhow loogu qaybiyo beelaha kala duwan ee maamulkaas, sida 4.5 Soomaaliya ka jira iyo wixii la mid ah, (2) caasimadda oo labo magaalo ama ka badan loo qaybiyo, (3) madaxweynaha ama xilalka sare oo kaltan noqda, si cid kasta u dareento in beeshoodu xilkaas heli karto.

𝗚𝗲𝗯𝗼𝗴𝗲𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶, xil ama jago iskeed xun ama liidata ma jirto, waase in uu jiro hannaan dheellitirka hay’adaha dowladda ilaalinaya oo ku habboon habdhaqanka dadka ama ummadda wax wada dhisanaysa. Sidaas awgeed, 𝘅𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗸𝘂-𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗮𝗺𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗿𝗹𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗺𝗮 𝗹𝗶𝗶𝘁𝗼 𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀 𝗲, waxaa uusan haysan waxyaabihii ilaalin lahaa ama dabri lahaa Madaxweynaha ama qofka laanta fulinta haya.

Qore: Garyaqaan Zekeriye Awaare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*