11th January 2025 admin Category :
Xasan sheekh oo doonaya inuu Soomaali hogaamiyo ayaa qoyskiisu uga baqi jireen inuu lumo.
Qoraalkan hoose waxa qoray aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ardadii Farsamada gacanta dhigan jirtay sideetameeyaddii sida madaxweynihii hore ee Soomaaliya, hadan ah Murashax Xasan Culusoow.
Ing. Cumar ayaa qoraalkiisa wuxuu ku bilaabay ” Waxa jiray nin aan isnaqaanay oo la oran jiray Muuse Cali Basar, oo ka soo jeeday Beesha Abgaal ee Hawiye ee Xasan Sheekh ka soo jeedo oo ay farsamada gacanta wada dhiganayeen xilligaas.
Labadan nin ee isku reerka ah ayaa waqtigas waxay Dukaan lagu gado alaabta laysku qurxiyo oo afka qalaad lagu yiraahdo ( Cosmetics ) ka wada furteen Isgoyska Waaberi iyo Maka- Almukarama ee xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Muuse ayaa ahaa midka had iyo jeer u dhoofi jiray oo dalka dibadiisa oo ka keeni jiray alaabta looga baahan yahay magaalada
Maalin maalmaha ka mid ayaa Xasan Culusoow la soo kacay damac ah in isaguna doonayo inuu dhoofo. Arintan dhoofka ah oo aan laysku ogayn ayuu u sheegay s Allah ha u naxariistee Walaalkiis oo dhowaan dhintay , kana mid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed , ayna dhinaca hooyada ka walaalo ka ahaayeen oo isagu ka soo jeeday beesha Xawaadle.
Walaakiis ayuu ka codsaday inuu Baasaboorka u saaro si u dhoofo sida saaxiibkiis. Walaalkiis oo aad u yaqaanay Xasan ayaa ugu jawaabay ” war Baasaboor laguu soo saari maayo, sababtoo ah sida Xoolaha ayaad caasimadaha caalamka ku lumaysaa.
Waxa la sheegay in maalintaas Xasan sheekh uu aaday maqaaxiddii Cali Basar oo uu Muufada ka cuni jiray isaga oo iska qoslaya, halkiisiina ka sii watay cuniddii muufada oo markii horeba uu ka dhex arkay inuu dhoofo.
Ugu danbayntii Ing. Omar oo qoraalkan qoray ay raadiyey saaxiibkii ay dukaanka wada lahaayeen Xasan Sheekh markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya. Ka waran saaxiibkaa hadii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cumar waydiiyey Muuse . Xasan Sheekh saaxiibkiis ayaa ku juwaabay ” siddii walaalkiis ugu yiri waa lumaysaa ayuu dalka iyo Dadkaba u luminayaa, iska sug. Maanta Soomaali oo dhan ayaa Muuse u markhaanti furaysa.
Allsanaag.com