
28th May 2025 admin Category :
Xafiis ay SNM doonayeen inay Nairobi ka furtaan ayaa loo diiday,
Wasaaradda Arimaha DIbadda ee Kenya oo ka jawaabaysa warar la isla dhexmarayo oo la xiriira in Isaaqland ay xafiiis Diblumaaasiyadeed ka furaneyso kenya ayaa Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Kenya ay mar kale ku celineyso in sii wadeyso oo ay si xushamd leh u xaqiijineyso taageeradeeda hagar la’aanta ah ee ay u hayso Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo ay Soomaaliya horumar ka sameeyneyso dhanka dhismaha dowladnimada oo ay hay’adaheedu hkobacayaan,in Dowlada kenya iyadoo usii mareysa qaab wadaxaajood ah oo ay la yeelato Dowladda Soomaaliya, ay diyaar u tahay in ay taageero ka geeysato dadaaladaas si sare loogu qaado iskaashiga iyo danaha labada dal.
Wasaarddu waxa ay intaas ku dartay in dareenka laga muujiyay munaasabadda biri dhici doonto in anaay wasaaraddu ogolaan, Dowladda Kenyana aanay taas ogolaan doonin.