25th September 2024  admin  Category :

Taageerayaasha Farmaajo oo kaga xoog batay gudaha iyo dibadda Soomaaliya ayaa ku khasbay Dawladda M. Culusoow inay madaxweynihii hore Farmaajo ay gurigiisa ugu tagaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*