5th June 2025  admin  Category :

Xasan Culusoow oo iska xaadirayey xerada Xalane ee ka madax banaan Soomaali inteeda kale

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa ku faraxsan inuu maanta magaalada Muqdisho ku biiro xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+ si uu warbixin uga dhagaysto hoggaanka Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya ka gadaal kulan ay ku yeesheen Hoteel Jazeera – kulanka maanta ayaa daba socday kulamadii caadiga ahaa ee xubnaha Beesha Caalamku ay la yeelanayeen bulshada rayidka ah, kooxaha mucaaradka ah, saraakiisha dawladda iyo sidoo kale Golahii Musharixiinta Madaxwaynenimo ee 2021-2022.

Wada hadallada Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed iyo xubnaha beesha caalamka ayaa diiradda lagu saaray taageeradooda ku aaddan wada hadal loo dhan yahay waxayna hoosta ka xariiqeen baahida deg degga ah ee loo qabo in madaxda Soomaalidu ay u midoobaan mawduucyada muhiimka ah sida ammaanka, siyaasadda iyo horumarka si Soomaaliya loogu suurto galiyo inay horay u socoto looguna daneeyo dadkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*