9th October 2024  admin  Category :

Xaflad lagu taageerayey Xeer Ilaaliyaha Gobolka Minnesota Avv. Keith Ellison oo u sharaxan Xeer ilaalinta Gobolka Ayaa lagu qabtay xarunta Bulshada ee Xaafadda Cedat Brian Coyle ee Magaalada Minneapolis..

Kullanka lagu taageerayey Xeer ilaaliye Keith Ellison ayaa waxaa ka soo qayb-gallay Xildhibaanad Ilhan Omar,xildhibaan Mohamoud,Xildhibaanada Hodan Hassan & Senator Omar Fatah.

Sidoo kale xafladda ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Musharaxiin ay ka mid ahaayeen Munira Abdullahi,Samakab Hussein ,Senator Saynab Mohamed,Farhia Feerrayarre & Qaar ka mid ah Gollaha deegaanka Magaalada Minneapolis..

Khalid Omar oo ka mid ah dhallinyarada wax ku bartay dalka Maraykanka & Abdirizak Bihi oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Ku nool Gobolka Minnesota ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u garab istaageen musharaxiinta xisbiga dimuqraadiga…iyagoo ugu baaqay in ay doortaan cid kasta oo danahooda ka arkaan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*