Maalmihii u danbeeyey waxaa saxaafadda Soomaalida qabsadey waraysiyo uu bixinayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, kadib markii uu ciidamo iyo tikniko culus la soo galey degmada Carmo oo 100km u jirta Bosaaso, isaga oo sheeganaya in uu inqilaabayo maamulka Puntland ee hadda jira, mid caddaalad ahna dhisaayo.
Hadalada ka soo baxayey Cabdisamad Gallan ayaa ahaa kuwo kala duwan waxaana ka mid ahaa:
– Ciidankiisa waxa uu ugu yeeray Ciidamada Puntland ee dhabta ah.
– Ciidanka iyo hubka aan wadano waxaan ka helney maamulka Cabdiweli Cali Gaas, waxna waan ka gadanay waxna waa naloo keenay
– Waxaan dooneynaa in aan beddelno maamulka hadda jira oo shir Puntland ah dadka isugu yeerno kadibna laga tashado aayaha Puntland ama lagu kala baxo.
– Wuxuu sheegtey in uu Puntland dagaal la galaayo, caddalaaddana soo celinaayo!
– Madaxweynaha Puntland waxa uu ugu yeeray keligii taliye.
Hadaladan iyo kuwo ka badan ayaa ahaa dooda ugu weyn ee Galan.
Haddii la raaco doodda Galan ee aan kor ku xusney ayaa la isweydiin karaa “Run ahaantii Galan muxuu rabaa?”, horey waxaan oo kale Puntland ma uga dhaceen, Madaxweyne la doortey oo aan inqilaab ku imaan in la yiraahdo waan inqilaabi oo xoog ayaan ku inqilaabi taariikhda Puntland kama dhicin? khilaafkii dastuuriga ahaa ee 2001 waa ka duwanaa waxa uu wado Gallan maanta, ciidamo marar kala duwan gadoodeyna waxay doonayeen mushahar ka maqan iyo gunnooyin. Haddaba waxaa loo baahan yahay in laga jawaabo Galan in ay dhab ka tahay in uu doonayo in uu inqilaabo Madaxweynaha Puntland?, awood ma u lee yahay in uu maamulka Puntland inqilaabo? mise Puntland ayuu Gaas iyo dab qabadsiin?, dhulka nabadda lagu barteyna wuxuu ka dhigi xeryo ciidan?.
Dhaq dhaqaaq Galan iyo maleeshiyaadka uu hogaaminayo ayaa u nidaam eg maleeshiyaadkii uu hogaamin Jirin Maxamed Siciid Attam oo sanadkii 2005tii xukuumadii Madaxweyne Cade Musse kula dagaalamay deegaanka Majiyahan, xiligaasi ayuu Attam sheegi jiray inuu u doodayo danaha qoyskiisa iyo difaacida khayraadka dhulkaasi. Attam ayaa doodan markii hore taageero uga helay dhalinyaro u badan beesha uu kasoo jeedo. Balse markii danbe ayey soo shaac baxday inuu ku biiray kooxda Al Shabaab kuwaasi oo dagaalo iyo weeraro badan ka geystay buuraha Galgala iyo waliba magaalada Bosaaso oo ay dad badan ku dileen. Maxamed Siciid Attam ayaa ugu danbeyn isaga baxay Al Shabaab isagoo isu dhiibay dowlada Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan, Waxaase uu dhaxalsiiyey beerihii qurxoonaa ee Galgala in laga barakaco dadkii deganaan jireyna ay u guuraan Ceel Daahir, halkaasna ay noqoto goobo ciidan.
Hubka iyo gawaarida Cabdisamad Gallan
Cabdisamad Gallan ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir ku sheegay in hubka waaweyn uu yahay kii Puntland waxna ay ka gateen waxna loo keenay, marka la raaco hadalkiisa ayaa la is weydiin karaa sidee ku dhacdey arrintaasi? Wuxuu sheegtey in qaar Wasiirada ah ayba hubka siyeen!!. Labo gaari oo kamid ah gawaarida waaweyn ee hubku u saaran yahay ayaa ah kuwo la mid ah kuwa ciidanka Badda Puntland ay wataan, mahan gawaari loo oggol yahay in shacabku dekadda kala soo degaan, waxaana la is-weydiinayaa sida Cabdisamad Galan sheegtey sida uu Puntland uga helay hubkan iyo goorta xeryaha lagala baxay? Hoos ka dhegayso codkiisa.
Audio PlayerMaleeshiyada Galan wato
Maleeshiyada Galan wato Waxay isugu jiraan afar qaybood Qaybta kowaad waxay u badan yihiin qoyska uu ka soo jeedo, waa dad shacab ah oo aan ka mid noqon ciidamada Puntland, waxaana uu ku soo ururshey caadifad qabiil iyo in la dulmiyey, in badan oo ka mid ah waa dad waa weyn oo kor u dhaafaya 50 sano, qaarkood ma sitaan qoryaha fudud waxay ku labisan yihiin keliya direyska ciidanka.
Qaybta labaad ayaa ah dad denbiyo ka galay Puntland oo aan haysan meel ay u baxsdaan oo ka faa’ideysanaya fawdada iyo nidaam darrada uu bilaabey guddoomiyihii hore, waxaana ka mid ah kuwo caan ah oo aad loo baadi goobayo sida ninkii diley taliyihii ciidanka garoonka diyaaradaha Bosaso Xasan Shire Amaan, kuwo kale oo Qardho dilal ka geystey, kuwii diley Guddoomyihii hore ee Iskushuban iyo ugu danbeyn kuwii diley ganacsade Xirsi Adduunyo.
Qaybta saddexaad ayaa ah Burcadbadeed muddo dheer ay ku dhacdey shaqo la’aan kuwaas oo ilaaliya hoggaamiyaha sida weyn loo raadiyo oo dalal badan oo caalamka ah raadinayaan [Ciise Yulux], kuwaan dantoodu waa in ay helaan dhul gabbaad ah oo fawdo ah oo aan sharciga la soo taagi karin, awoodna ay u yeeshaan in ay ka soo baxaan godadka fog fog ee ay ku dhuumaaleystaan gaar ahaa nawaaxiga deegaanka Bali Dhidhin.
Qaybta ugu danbeysa ee afaraad ayaa ah Daacish/Al-shabaab oo dusha kala socda xubno hoosena ku leh kuwaas oo doonaya in ay danahooda gaar ahaaneed ku gaaraan kuna soo galaan magaalooyinka si ay u fulin karaan ajandahooda.
Dhaqaalaha ku baxa Maleeshiyada Galan
Ma ahan wax fudud in Maleeshiyo intaas la eg la isu keeno meelna lagu hayo, ciidanku waxay u baahan yihiin kharash joogto ah oo ay u dheertahay caleenta Qaadku, ciidanka haddii aan la hawlgelin ama si fudud ayey u kala tegayaan ama dhex-dooda ayaa rabshado ka dilaacayaan, waxaa la is weydiinayaa dhaqaalaha ku baxa ciidankaas cidda bixisa? Yaa weeye maalgeliyaha rasmiga ah? Maxayse tahay ujeedada fog ee laga lahaa? Puntland suurta gal maka tahay in Madaxweyne qaabkaas lagu inqilaabo? Waxbaan inqilaabayaa iyo caddaalad baan raadin ma is qaadan karaan? Jawaabaha su’alahan waxay fure u noqon karaan xalka xiisadda uu bilabey Cabdisamad Galan!.
Galan ma keligiis ayu jilayaa
Cabdisamad Galan maalintii uu xilka ku wareejiyey wuxuu yiri hadal dad badan u fasirteen waxa uu maanta samaynaayo waxaana ka mid ahaa hadalkiisi:
“Anagu ma nihin dad South Afrikaan ah oo la soo kireystey, waxaan nahay muwaadiniin Puntlander ah, shaqadii iyo xilkii aan hayney haddaan wareejiney, laakiin masuuliyaddii aan ku joogney ma wareejin, wax badana warbaahinta waa ka soo muuqan doonaa (hoos ka dhegayso)
Audio PlayerWaxaa la dhihi kara Cabdisamad Galan imaanshihiisa Carmo waxaa soo dedejiyey arrimo dhawr ah:
– Maleeshiyada uu wato oo aan la iska hayn karin iyada oo aysan jirin hawlgal.
– Ka faa’ideysiga debacsanaanta Madaxweynaha Puntland ee ku mashquulsan siyaasadda Federaalka Soomaaliya.
– In uu culeys saaro waxgaradka beeshiisa ee ka soo horjeeda qaabka uu wax u doonayo.
– iyo ugu danbeyn in uu xaaladda u gudbiyo derajada labaad ee uu doonaayo.
In badan oo ka mid ah qoyska uu ka soo jeedo Gallan ayaa diidan qaabka uu wax u wado, inkasta oo ay arrinta deminteeda si xooggan ugu jiraan ayey lee yihiin Gacmo Geel-jire Hoos Loo Dhaqaa! Waxayna wadaan dedaalo loogu caqli celinayo Cabdisamad Gallan.
Baaqyada nabadeed
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire ayaa ka mid ah waxgaradka ka hadley arrintan, inkasta oo in badan oo kamid ah bulshadu ay aad u saluugeen qaabka uu baaqa u direy Wasiirkii hore ee Maaliyaddu, ugu horeyn ma canbaareyn Maleeshiyaadka iyo hubka culus ee laamiga la soo dhoobey, dagaalka Puntland lagu soo qaadey iyo ku dhawaaqidda inqilaabka uu Gallan iclaamiyey, waxaana uu baaqiisu u badnaa in maamulku dhegaysto bulshada gadoodsan, dagaalka joojiyo aan xoog wax lagu doonin, tan oo dad badan is weydiinayaan Faarax Cali Shire oo masuul Puntland ka soo noqda in uu qaabkan u hadlo isla markaana ka dhigo laba dhinac oo siman inay dagaalameen.
Jimcadii shalay maxaa ka dhacay Barookhle?
Maalintii Jimacada ee shalay waxaa gaarey Beeraha Barookhle wefdi culimo iyo ganacsato isugu jira oo u badan dad dhex-dhexaad ka noqon kara waxa hadda socda, waxay kulan la qaateen Cabdisamad Gallan oo u muuqdey markii hore in u yahay ninka ay ka go’do taladu, waxay wafdigan ay Gallan u sheegeen in ay damaanad ka haystaan dhinaca Dowladda Puntland isagana laga doonayo in uu saddex qodob fuliyo:
– Maleeshiyada uu wato in dib loogu celiyo deegaankii ay ka yimaadeen markii hore
– Waraysiyada iyo hadalada ka soo burqanaya ee dabka sii shidayana uu joojiyo
– Ramadaanka kadibna wadahadal la isugu yimaado.
Cabdisamad Galan wuu ku gacan sayrey culimada iyo ganacsatada dhex-dhexaadka ah, waxaana uu u dhaqaaqey goob ay dhalinyaro maleeshiyaadiisa kamid ah ku buuqeysey.
Xaaladda goobta ciidanka ayaa ahayd mid fawdo u eg, iyada oo Ramadaan ay tahay ayaa geel dhawr ah loo qalay, ma muuqan kala danbeyn iyo hoggaan sax ah.
Mar kale waxaa culimada u yimid nin kale oo u muuqdey taliyaha saxda ah ee goobta waxaana uu weydiiyey waxa ay u keeneen oo goobta la yimaadeen, ninkan waa ka duwanaa Galan, waxaana uu ergada u sheegay in aanu diidaneyn wada hadal diyaarna u yihiin waxay halkan u joogaana taas tahay, kadib waxa uu ku qayliyey Cabdisamad Galan oo aan goobta ka fogeyn. Sarkaalkan ayaa si jees-jees ah ulla hadlay Galan isaga oo leh “War qodobka saddexaad ee Waraysiyada Idaacadaha adiga (Galan) ayuu kugu socdaa ee ama meelahaad u warami jirtey u waran ama wadaadada warkooda dhegayso” anagu diyaar ayaan wada hadal u nahaye, Ninkan Taliyaha goobta isaguna u muuqda waa Hoggaamiyihii sare ee Burcadbadeeda [Ciise Yulux] oo isaguna dano kale meesha ka dhex arkey iyo in uu geli karo heshiis amni (Amnesty) lagu siinayo, Warka Jimacadii shalay dhacdey waxaan ka soo xiganey goobjooge.
Maamulka Puntland
Puntland waxay jirsatey 18 sano, markasta dhibaato waa ay dhici jirtey, Madaxweyne kasta oo soo mara qaab ayuu wax ku xalin jirey, Waxaa la dhihi karaa shiddada maanta taagan maamulku qayb ayuu ku lee yahay, arrintu markii ay jogtey derajada kowaad ee Bosaaso lawada joogey looma xalin qaab siyaasadeed, waxay Dowladdu ka doorbidey in ay qaab militari ku xaliso taas oo la dhihi karo waxay dumiyeen guri, waxaana ku nafwaayey askar, mana la fulin oo lama sal gaarin qorshihii la rabey, sidoo kale Dowladdu ma sameyn ka dabatag ay arrinta soo afjarayso ama mid siyaasadeed ama mid caskeri, taas oo fursad u siisey Cabdisamad Galan in uu ku hamiyo maamulka Puntland ayaan inqilaabi.
Maxamed Cismaan
Horseed Media