Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas oo eedeyay Dowladda Soomaaliya

Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas oo eedeyay Dowladda Soomaaliya


Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

Waxaa kaloo uu sheegay in maamul goboleedyada ay masuuliyad xooggan ka saaran tahay shacabka ay matalaan.

Sidoo kale waxuu ka hadlay in xilka uu iska casiley madaxweynhii Koonfur Galbeed Shariif Xassan oo ahaa guddoomiyhii golaha iskaashiga maamul-goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) waxuu Barnaamijka Wacitaanka dhagaystaha ee VOA uga jawaabay su’aalo la weydiiyay.

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo dhameystiran waxaad maqli ku maqli doontaan idaacadaheenna galabnimo iyo fiidnimo.

please wait

No media source currently available

2:53 5:55 2:21

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG