8th October 2024  admin  Category :

Wiilasha walaalaha ah ee Turkiga u sameeya diyaaradaha dagaalka balse diiday in ay Ruushka ka iibiyaan

Iskahorimaadka Ukraine ayaa ku billowday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Bayraktar TB2 oo kaalin muhiim ah ka qaatay joojinta hor u socodka dagaalka Ruushka.

Laakiin hadda, waxa ay u muuqataa in Ruushku uu xoogga saaray adeegsiga diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Iran ay samaysay, kuwaas oo la yirahdo Shahed-136 balse loo yaqaan ‘kamikaze’.

Khabiir ku takhasusay diyaaradaha drones-ka oo lagu magacaabo Sarah Kreps, ka tirsan jaamacadda Cornell ayaa tiri:

“Waxaa jiray dareen hore oo ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay noqon doonaan kuwo go’aamin kara dagaalka.

Bayraktar TB2

Erayga ‘is beddelka’ ayaa markii ugu horreysay loo adeegsaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Waxaa lagu qiyaasay 2 milyan oo dollar, waxayna le’eg tahay diyaarad yar oo leh gantaallada gaashaaman.

Laakiin walaalaha u dhashay dalka Turkiga oo la kala yiraahdo Selcuk iyo Haluk Bayraktar oo soo saaray Drons-ka ayaa sheegay inaan laga maarmi doonin in dagaalka loo adeegsado.

“Dabcan, dagaalku waa shay aad u qaraar,” ayuu yiri Haluk oo ku sugan xafiiskiisa halkaas oo lagu soo bandhigay boombale ka samaysan diyaaradda TB2 oo ku xardhan midabka hubka Ukraine.

“Dadku way dhimanayaan, waxaanan jeclaan lahaa inaan u baahnayn inaan horumarinno diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan.

“Marka lagugu soo qaado weerar culus, waxaad u baahan tahay inaad naftaada ilaaliso, waxaadna ku samayn kartaa oo kaliya qalabka tignoolajiyada.”

Labadan nin ee walaalaha ah waxay xaqiijinayaan inay diyaaradda TB2 ay siiyaan 24 waddan

Diyaaradaha Drones-ka ayaa ka caawiyay Azarbaijan in ay jabiyaan ciidamada gaashaman ee Armenia waxayna dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh sanadkii 2020.

Waa markii ay diyaaradahan bilaabeen in ay aqoonsi ballaaran ka helaan meel ka baxsan Turkiga. Shirkaddu waxay xiriir dhow la leedahay ciidamada Turkiga oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee iibsada.

Ciidamada ayaa u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ku beegsadaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha iyo dibadda.

Labadan nin ee walaalaha ah waxay xaqiijiyeen inay diyaaradda TB2 siinayaan 24 waddan.

Tani waxay la xiriirtaa aragtida Madaxweyne Erdogan ee ah in Turkiga laga dhigo dal weyn oo laga iibsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale Bartamaha Aasiya.

Waxaan weydiinnay Haluk in shirkaddiisu ay wax shuruud ah ku xirto adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida u adeegista dadka rayidka ah.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Turkiga ay bixiyaan shatiga dhoofinta, ayna dejiyaan shuruuc ay ka mid yihiin in tignoolajiyada aan loo adeegsan karin xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Bayrkar waxaa ay la shaqeeyaan dawladaha oo kaliya,” ayuu raaciyay. “Tignoolajiyada noocan oo kale ah waxaa laga iibiyaa hay’adaha dowliga ah ee dalalka. Lagama iibiyo hay’adaha rayidka.”

Iib ma ahan

Xiriirka shirkadda ay Ukraine la leedahay waa mid soo jireen ah. Haluk waxa uu sheegay in qandaraaska ay kala saxiixdeen sannadkii 2018-kii ka dib ay bilaabeen inay ka iibiyaan sannadkii 2019-ki.

Haluk Bayraktar waxa uu maamuuska sare ee Ukraine, ka ka helay Madaxweyne Zelensky

Kyiv ayaa ka dalbatay dalal badan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayuu raaciyay, balse kaliya Turkiga ayaa oggolaaday inuu keeno.

Waxaan weydiiyay sida uu Ruushku uga jawaabay arrintan maadaama Moscow ay sidoo kale tahay saaxiibka muhiimka ah ee istiraatiijiga ah ee Turkiga.

Jawaabtii ugu horeysay ee Haluk ayaa ah in uu yiraahdo waa shirkad tignoolajiyadeed oo ay tahay Ukraine inay go’aamiso in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo geeyo.

“Waxaa jira hadallo badan oo been abuur ah oo ka socda warbaahinta Ruushka sababtoo ah waxay sheegayaan in nidaamyadayagu ay burburinayaan difaacooda hawada iyo hubkooda,” ayuu yiri.

“Ka warran haddii Moscow ay ku siin lahayd lacag badan, ma ka iibin lahayd iyagana diyaaradaha aan duuliyaha lahayn?” ayaan weydiiyay.

“Lacagtu ma aha waxa ugu muhiimsan. Lacagta iyo alaabta ma ahayn weligood mowduuca ganacsigeenna,” ayuu yiri Haluk.

Wax kasta oo lacag ah oo naloo soo bandhigo, arrintan oo kale ma aha mid su’aal la iska weydiinayo, dhammaan waxaan si buuxda u taageersannahay Ukraine.”

Waxaan sidoo kale weyddiyay inuu ku qiimeeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran isaga oo ka eegaya dhinaca injineernimada.

“Dabcan Drons-ka Bayraktar TB2 waa kuwa ugu fiican adduunka marka la eego heerka ay gaarsiisan tahay,” ayuu yiri.

“Ma baarin qaababka farsamada ee diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee aad sheegtay, laakiin ma jiro hab kale oo aan duuliyaha lahayn oo adduunka ka jira oo si wanaagsan isugu muujiyay goobaha dagaalka.”

Poland ayaa noqotay xubintii ugu horeysay ee Nato ee iibsata TB2 drone.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*