7th September 2024  admin  Category :

Weriyaha Yurub ku nool ee ku hajabay inuu magangalyo ka codsan doono Soomaaliya

Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalka Spain ayaa toddobaadkan weriye caan ka ah dalkaas soo xusuusiyay hadal uu sanado kahor yiri.

Barnaamij soo jeediyaha’ Herrera en COPE ‘ ee dalka Spain, Cralos Herreram ayaa bishii February ee sanadkii 2016 sheegay in marka uu eego xaaladda dowladda dalkaas ay taasi ku qasbeyso inuu magangalyo ka codsado Soomaaliya.

“Xaaladda dalkan Afrikaanka ah ayaa aad uga wanaagsan keyga, marka la isu barbardhigo xeebihiisa, iyo waxa nagu sugaya Spain”, isagoo markaas dhaliilayay dowladda raysal wasaare Pedro Sánchez.

Xilligaas, inta badan dadka baraha bulshada isticmaala ayaa cambaareeyay hadalka weriyaha, kuwaasoo su’aal iska weydiiyay in Soomaaliya ay aqbasho “muhaajiriin” iyo inkale sida Herrera. Qaar kale ayaa ku boorriyay inuu diyaarad raaco “sida ugu dhaqsiyaha badan.

SPAIN

Talaadadii lasoo dhaafay, kaddib doorashadii guud ee dalkaas, magacyada ‘Carlos Herrera’ iyo ‘Soomaaliya’ ayaa aad looga hadal hayay baraha bulshada Spain, iyadoo dadku ay weriyahan soo xusuusinayeen inuu ka dhabeeyo go’aankiisii ahaa inuu Soomaaliya ka codsado magangalyo.

Dadka kale ayaa kula kaftamay in dalkan uu boos u haayo isaga.

Qaar kale, ayaa iyaguna la kaftamay weriyaha, waxayna u direen jadwalka duullimaadyada Soomaaliya, halka kuwo kalena ay dowladda ka codsadeen inay tikidka ka bixiso.

Spain ayaa Axaddii la soo dhaafay gashay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed kaddib markii aysan cidna guusha ku raacin doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday.

Labada xisbi ee dalkaas midkoodna ma helin codadkii loogu talogalay inay dowlad ku dhisaan, taasoo laga yaabo inay sababto in codbixin kale la qabto dabayaaqada sanadkan.

Natiijada ayaa muujineysa in codadku ay u kala qeybsameen xisbiga midig dhexe iyo bidix dhexe. Balse midkoodna, Xisbiga Hantiwadaagga ee Raysal Wasaare Pedro Sánchez iyo mucaaradka asal-raaca kuma guuleysan codad ku filan si ay keligood u maamulaan baarlamaanka dalkaas ee 350-ka kursi ka kooban.

Soomaaliya maka jiraa sharci oggolaanaya dadka magan-galyo doonka ah?

SPAIN

Sida laga war hayo Soomaaliya way qaabishaa qaxooti iyo magangalyo doon ka yimid dalalka dibadda.

Xog ururin ay sameysay barta Releifweb ee arrimaha bani’aadannamida ka hadasha, ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo 31 January 2023, ay Soomaaliya ku nool yihiin 34,872 qaxooti iyo dad magan-galyo doon ah.

Dadkan ayaa (69%) ay yihiin haween iyo carruur. Qaxootigan iyo magangalyo doonkan ayaa (67%) waxay kasoo jeedaan Itoobiya, halka ay soo raacdo Yemen oo (29%) ah, Suuriya oo (4%) ah iyo dalal kale oo (1%) ah.

Iyadoo 75% qaxootigan iyo magangalyo doonkan ay ku nool yihiin gobollada galbeed ee dalka.

Sida ay qabto hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM, qofka magangalyo ka doonaya Soomaaliya waxaa muhiim ah in marka hore uu is diwaangeliyo, si uu si sharci ah ugu noolaado Soomaaliya.

Qofka sidan sameeya, ayaa waxaa u suurto galeysa inuu helo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo inuu ka nabad galo in si qasab ah dalkiisa loogu celiyo.

Is-diwaangelinta waxaa fulisa hay’adda dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha qaxootiga oo kaashaneysa UNHCR.

Qofka codsanaya magangalyada ayaa laga doonayaa in qudhiisa uu u tago xafiisyada arrimahan ku shaqada leh.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka ee Soomaaliya ayaa dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha magangalyo doonka iyo qaxootiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*