
10th November 2025 admin Category :
𝗦𝗛𝗔𝗥𝗖𝗜𝗬𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗔𝗫𝗜𝗜𝗫𝗔 𝗛𝗢𝗚𝗚𝗔𝗔𝗠𝗜𝗬𝗘 𝗙𝗜𝗥𝗗𝗛𝗜𝗬𝗘 𝗘𝗘 𝗗𝗔𝗦𝗧𝗨𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗪𝗔𝗤𝗢𝗢𝗬𝗜 𝗕𝗔𝗥𝗜 (𝗪𝗕) 𝗫𝗔𝗚𝗚𝗘𝗘 𝗞𝗔 𝗧𝗜𝗠𝗜𝗗?
Waxaan arkay in xaflad loo qabanayo saxiixidda Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, waxaana meelaha qaar ku qoran in uu Hoggaamiye Firdhiye saxiixayo. Markaa waxaan isweydiiyay xaggee Hoggaamiye Firdhiye ka keenay sharciyadda saxiixidda ee Dastuurka WB. Xaggee kaga xusan tahay Habraaca Dhammaystiridda ama Dhisidda Dowlad Goboleedka cusub?
Ma arkin meel ay ku qoran tahay iyo meel lagu ansixiyay ama lagaga heshiiyay in Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo uu saxiixo Dastuurka loo sameenayo Dowlad Goboleedka la dhisayo. Waxayse ii la muuqataa in aysan haysan sharciyad sababahan hoos ku xusan awgood:
Ta 1aad, awoodda sharci ee Firdhiye waxay ku eekeed maalintii uu aqbalay soojeedinta Dowladda Federaalka ah ee dhisidda dowlad goboleed, sidoo kalena ay magacowday Guddiga Farsomo iyo Hoggaaminta Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Ta 2aad, Hoggaamiye Firdhiye waxaa uu saxiixi lahaa haddii Dastuurka cusub ay ansixin lahaayeen Goleha Xeerdejinta ee Khaatumo. Taasna ma dhicin oo waxaa ansixiyay Ergo ay Dowladda Federaalku ansixisay oo ka kala socota labo dhinac oo kala ah reer Khaatumo iyo reer Maakhir. Waxaa la doortay Guddi Shirguddoon oo ergada labada dhinac ka kooban iyo Guddi Farsomo oo Dowladda Federaalku horeba u soo magacowday.
Sidaas awgeed, waxaa saxiixa Dastuurka leh Shirguddoonka Shirweynaha ee Ergada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.








