7th September 2024  admin  Category :

Waxan garanayaa( 1960s) Somalia oo 8 Gobol ka kooban,ama 56 degmo, kuwaas oo kala ahaa:
1) Woqooyi- Galbeed( Hargeysa).
2) Woqooyi- Bari( Burco).
3)- Majeerteeniya ( Boosaaso).
4)- Mudug ( Gaalkacayo).
5) Hiiraan ( Beledweyne).
6) Jubbada- Sare ( Beydhabo).
7) Jubbada – Hoose ( Kismaayo).
8) Banaadir (Muqdisho) .
Dhammaan Magaalo – Madaxyada gobollada waxa laga bixin jirey Baasaboorka Weyn ee Soomaaliga. Dhammaan degmooyinka waxa laga qaadan jirey Baasaboorka -yar( Laasha- basaare).
Degmooyinka kala ah; Caluula , Qandala ,Eyl, Garoowe, Qardho, Gaalkacayo, Boosaaso, Laasqoray, Ceerigaabo, Burco, Berbera iyo Hargeysa waxa ka jirey duullimaadyo diyaaradeed oo taga Cadan ,degmooyinka iyo Caasimadana u kala goosha( Waa intaan xogogaalka u ahaa anigu oo joogey gobollada woqooyi iyo Bari xilliyadaas).
Imtixaanka dugsiyada Hoose iyo Dhexe ( Interance and leaving exams)ee dalka waxa lagu diyaarin jirey Hargeysa. Imtixaanka Dugsiyada Sare( GCE) Waxa laga keeni jirey UK.
Dalka horumar siman iyo diimuqraadiyad baa ka jirtey, cabashooyin iyo musuq aan xadhkaha goosan waa jireen.
Annagoo arday ahayn, haddii nala yiraahdo ” Qolomaad tahay?”‘ , carrabkaa na bakhtiyi jirey. Arday ,ardayga kale qabiilkiisa yaqaanney ma jirin. Hadda waqtigaasu waa xilligaad u maqasheen ,Xilligii Musuq- Maasuqa( Dawladdii Cawaro).

Dhalashadii Kacaanka kadib(1969), waxkastii waxay ku urureen Muqdisho.Duulimaadyadii gudaha ee degmooyinku waa joogsadeen tartiib tartiib. Bixintii baasaboorka baa Hargeysa muddo kasii jirtey iyadoo cidhiidh iyo dhib lagala kulmo. Qofka muuqaalkiisu 40 jir ka yar yahay,waxa la dhihi jirey” Soo cadday inaadan arday ama shaqaale dawlo ahayn”. Meel lagu caddeeyaana ma jirin. Ilaa 1980s sidaas buu ahaa. Wixii xilligaa kadambeeyeyna lacag baa kaa xigtey.
Waxbarashada Sare, caafimaadka, ruqsadaha ganacsiga iyo wixii kasta ee nolosha la xidhiidha waxa loo doonan jirey Xamar .
90 % Mashaariicdii horumarinta iyo Wershedihii waxay ku koobmeen Xamar iyo nawaaxigeeda.
Waxan xasuustaa 1983 ,anigoo ka shaqaya Wersheddii Sonkorta Mareerrey; ganacsatada soo doonta sonkortu waxay la iman jireen waraaqo kasoo baxay Madaxtooyada oo saxeexii Madaxweynaha leh ,kuwaas oo lagu amrrayo in laga iibsho, 30, 50, 100 ,….1000 kiish oo sonkor ah.
Dalku waxyaaluhuu la burburay bay qayb ka ahaayeen. Waxana sabab u ahaa Kilitalisnnimo iyo awooddii iyo noloshii ummadda oo hal meel ku ururtay.
Dawladdii Kacaanka waxa u ceeb qariyey ururradii qabaliga ahaa( SSDF, SNM, USC) oo wax ka daran la yimid kolkay rideen Dawladdii. Waxyaalo badan oo ummadda laga sixi la’yahay, sida qabyaaladda, eexda, Musuq maasuqa, qof derejo aanu aqoonteed ama waaya-aragnimadeed lahayn lagu taxo iwm waxay soo bilaabmeen xilliyadaas aan ka warramay.
Maantana ifafaalihii mid u eg baa muuqda. Dad badan baa u qaba in Qarannimo iyo Horumar loo socda. Layaab maleh oo 30 sano oo fawdo iyo dawlad la’aan ah bay kasoo doogeen qaybtoodna ku garaadsatay, Laakiin,hadday taladu noqoto,anaa idhi ,anaa sax ah,keliygay baa waddani ah, wixii iga feker duwani waa qaran-dumis. Bal halkay nala aaddo aan dhawrro.

Qoraalkan waxa qoray Maxamuud Hidiidaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*