
9th May 2025 admin Category :
Waxa laga ogyahay shidaalka Khaatumo iyo qiyaasta saliidda ku jirta
Doodda ku saabsan shidaalka ku jira SSC-Khaatumo ayaa dib u qaraxday kadib markii safiirka Soomaaliya ee Mareykanka u fadhiya Daahir Xassan Carab, uu bartiisa X ku qoray: “Waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in Soomaaliya ay u furan tahay qodista shidaalka. Waxaan ku martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib u soo laabtaan.
SSC-Khaatumo hadda waxaa loo aqoonsaday maamul goboleed Xubin ka ah Federaalka, waxaana la qaaday xaaladdii force majeure-ka taasoo fure u ah sahaminta iyo soosaaridda shidaalka ee Dooxada Nugaal oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah.”
Qoraalkan ayaa horseeday falcelin ballaaran oo baraha bulshada ah. Xildhibaan Dr. Cabdillaahi Abiib, oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka, ayaa si adag uga hor yimid isagoo ku dhaleeceeyay in arrimo istiraatiiji ah sida shidaal qodis loo adeegsado baraha bulshada:
“Arrimaha shidaalka iyo gaaska uma baahna tweet, waxay mudan yihiin wado-diplomaasiyadeed oo rasmi ah taasoo ka tarjumaaya danaha qaranka. Waxaa nasiib darro ah in daacadnimo lagu doorbido waayo-aragnimo marka qof la shaqaaleysiinayo, taasoo dib u dhigtay Soomaaliya inay horumariso danaha shacabkeeda.”
Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa horraantii sanadka 2024 u sheegay BBC Somali in kahor dhammaadka sanadka la bilaabi doono qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaalka, kaas oo ku yaal aagga xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Markabka sahminta goobaha juquraafiga badda ee lagu tuhmayo shidaalka, Oruc Reis, ayaa soo gaaray xeebaha Muqdisho bishii Oktoobar ee 2024.
Shidaalka ugu horreeya ee la soo saarayana waxa uu u eg yahay in uu yahay kan badda ku jira, laakiin xitaa berriga waxaa dhex ceegaaga shidaal badan, oo horey loogu ogaaday sahmin lagu sameeyay goobo cayiman oo soo bilaabatay 1930kii.
Ceelasha shidaal ee berriga waxaa ka mid ah ceelka Holhol oo ku yaal degmada Xuddun ee gobolka Sool.
Ceelkan oo markii horre loo aqoon jiray ceelka Nugaal waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee sahminta shidaalka ee Soomaaliya laga sameeyay.
Waxa uu ka mid yahay goobihii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka laga sameeyo muddo hadda laga joogo afar iyo sagaashan sano.
Sahminta shidaalka dhulka ee Soomaaliya

Dhul-baarayaal ka socday gumeystaha Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay arkay calaamado muujinaya in shidaal uu ku jiro dhulka Soomaaliya kadib sahan lagu sameeyay gobolada waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland, oo uu xilligaas ka talinayay Ingiriiska.
Laga soo bilaabo 1950-meeyadii, shirkado caalami ah oo ay kamid yihiin Agip iyo Sinclair Oil Corporation ayaa bilaabay in ay sahmiyaan dhulalka Soomaaliya.
Sahminta ugu ballaaran waxaa la sameeyay dabayaaqadii 1980-meeyadii.
Burburkii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre 1991-dii wuxuu hakad galiyay dhammaan barnaamijyadii sahminta, shirkado badanina waxay joojiyeen hawlahooda.
Xilligaas oo Soomaaliya ay ku jirtay burbur siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye, afar shirkadood oo waaweyn oo Mareykan ah – Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillip – ayaa sii waday isku dayadoodii sahminta saliidda.
Shirkadahan waxay dowladii Soomaaliya ka heysteen heshiisyo gaar ah oo ay ku baari karaan kumanaan mayl oo ah dhul saliidda laga soo saari karo.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Los Angeles Times 1993-kii, shirkadahani waxay rajo ka qabeen in howlgalka milateri ee Mareykanka ee Soomaaliya uu ka caawin doono ilaalinta maalgashiyadooda.
Shirkadda Conoco oo ahayd tan kaliya ee sii wadatay joogitaankeeda Muqdisho intii ay dagaallada sokeeye socdeen, waxay ugu dambeyntii ku wareejisay xafiiskeeda dowladda Mareykanka si ay ugu adeegtaan hawlaha samatabixinta, ka hor inta aysan ciidamada Mareykanka soo degin magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2012, cilmi baaris uu sameeyay machadka Routledge, dhulka, juquraafiga ayaa lagu qiyaasay in Soomaaliya ay leedahay kayd saliid oo gaaraya ilaa 110 bilyan oo foosto oo ah in ka badan dalalka sida Kuwait oo kale ah.
Qiimaha halkii foosto ee wakhtigan aan qoreyno warbixintan waa $77.27, taasoo ka dhigeysa qiimaha guud ee kaydka saliida Soomaaliya in uu gaarayo ilaa $8.5 trillion.
Baaritaankaas ayaa horseeday in shirkadaha sahminta caalamiga ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya iyagoo u arka fursad weyn oo ganacsi.

Sahaminta saliidda balooga Holhol
Baloogga Holhol, oo horey loogu yaqaanay Nugaal, waa mid ka mid ah aagagga ugu waaweyn ee sahminta saliidda ee Soomaaliya laga sameeyay.
Sahamintii shirkadaha Range Resources iyo Horn Petroleum ayaa muujisay in kheyraadka Holhol uu yahay mid ganacsi ahaan faa’iido leh.
Shirkadahan waxay cadeeyeen in Holhol uu juqraafi ahaan la mid yahay togagga waqooyiga Yemen, halkaas oo laga helay kayd saliid oo gaaraya 1 bilyan foosto.

Sidoo kale, khubarada shidaalka iyo gaaska waxay sheegeen in balooka Holhol oo uu lamaaniyo dhul ballaaran oo gaaraya 21,784 km² la rumeysan yahay in uu kayd ahaan ugu jiro ilaa 20 bilyan oo foosto oo saliid ah.

Qodista keydka shidaalka iyo mustaqbalka Soomaaliya
Turkiga ayaa bilaabay sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in ay kor u kacdo xiisaha shirkadaha caalamiga ah u hayaan saliidda Soomaaliya.
Markabka sahminta ee Turkiga, Oruc Reis, ayaa gaaray xeebaha Muqdisho 25-kii Oktoobar 2024, halkaasoo uu ka bilaabay baaritaanka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, kadib markii Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinaca tamarta ah.

Holhol kuma jiro aagga sahminta xeebaha, laakiin wuxuu ka mid yahay ceelal ku jira heshiisyo uu soo bandhigay wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya sannadkii 2024.
Sahaminta cusub ee Turkiga ayaa horseedi karta in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, haddii ay suurtagasho in la xalliyo khilaafaadka siyaasadeed lana hirgaliyo nidaam caddaalad ku dhisan oo lagu qaybsado dakhliga.