19th September 2024  admin  Category :

Wax ka ogow Duqa cusub ee Muqdisho oo noqonaya mas’uulka afaraad ee mar labaad hanta xil uu horay u soo qabtay

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa markii labaad noqonaya guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho, kaddib markii uu xilkaas maanta u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistiisa ayay madaxtooyadu sheegtay in lagu saleeyay aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay, maaddaama uu xilkan horay u soo qabtay. Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada ayaa mas’uulkaas ku amaanay inuu “door wanaagsan ka soo qaatay dib-u-dhiska Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir”.

Madaxweynuhu wuxuu ka filayaa duqa cusub inuu muhiimad gaar ah siiyo amniga iyo xasilloonida caasimadda, xoojinta wada-shaqaynta laammaha amniga iyo bulshada gobolka Banaadir, dib-u-heshiisiinta, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah oo dhammaan la sheegay inay mudnaan u leeyihiin dowladda hadda jirta.

Mas’uulkaan 57-jirka ah ayaa noqonaya mas’uulka afaraad ee markii labaad ku soo noqda xil uu horay u soo qabtay, dowladda hadda jirta. Waxaa xusid mudan in aan taariikhda Soomaaliya ee dhow lagu xusuusan inay hal maamul/dowlad ku kulmaan afar mas’uul oo xilalkooda dib ugu soo noqday.

Yuusuf Xuseen Jimcaale

Saddexda kale waa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad ay xilka u doorteen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaa sidoo kale xilalkii ay horay u hayeen dib loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waa kuma Yuusuf Xuseen?

Duqa soo-rogaal-celiyay wuxuu ka mid yahay aasaaseyaasha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh. Muddo dheer ayay wada-shaqeynayeen isaga iyo madaxweynaha. Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbigaas ayuuna ahaa ka hor intii aan kal hore loo magacaabin duqa Muqdisho.

Wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2017.

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku magacdheer Maddaale wuxuu magaalada Muqdisho ku dhashay sanadkii 1965. Caasimadda ayuu ku qaatay waxbarashadiisii hoose iyo dhexe. Halka dugsiga saer ee heerar kala sarreeya oo jaamacadda ahna uu ku soo dhigtay dalka Masar.

Saddexda mas'uul ee ugu sarreysa Soomaaliya

Wuxuu ku soo takhasusay Daraasaadka Islaamiga ah iyo Carabiga, iyo sidoo kale Cilmiga Bulshada.

Guddoomiyaha la magacaabay ee gobolka Banaadir wuxuu horay ula soo shaqeeyay Wasaaraddii Howlaha Guud iyo Guriyeynta intii aysan burburin dowladdii Kacaanka ahayd iyo Wasaaraddii Batroolka iyo Tamarta oo uu agaasime ka soo noqday 1992 ilaa 1993.

Yuusuf Maddaale wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyay hay’ado gargaar oo Islaami ah oo ka howlgalayay Muqdisho horraantii sagaashameeyadii. Waxaa hay’adahaas laga xusi karaa Al-Culyaa, Muslim World League iyo Islamic Relief Association.

Wuxuu aasaasay, isla markaana uu maamule ka noqday Xarunta Agoonta Albirri ee Muqdisho intii u dhaxeysay 1996 ilaa 1998.

Intii uu Masar joogay wuxuu ahaa nin aad uga dhex muuqda bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalkaas. Wuxuu noqday Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ah ee Masar intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2011.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*