7th September 2024  admin  Category :

Wasiirkii Soomaaliga ahaa ee waardiyaha ka noqday Maraykanka iyo sheekada xiisaha leh ee ku gamaadan noloshiisa

Burburkii dowladdii dhexee ee dalka, dadka Soomaaliyeed waxay waayeen waxkasta oo ku tiirsanaa dowladnimada sida sumacadii, aqoonsigii dibloomaasiyada iyo xurmadii ummadnimo ee dadyowga dunidu u hayeen.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxay meesha ka saareen maqaamkii iyo mansabkii uu lahaa qof xil hayey waxkastana waxay u ekaadeen jaantaa rogan iyo in qofkastaa naftiisa la baxsado.

Madaxdii dowladdii kacaanka ee xukunkeedu burburay waxay darrajo ahaan la mid noqdeen intoodii badnayd dadkii shacabka ahaa ee ka cararay colaadda iyagoo qoysaskoodii ula firxaday dalalka dunida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya

Dadka xilkii iyo xasaanadiii ay lahaayeen aysan dalalkii qurbaha ee ay tageen waxba ugu goyn waxaa ka mida guddoomiyihii ururada shaqaalaha Soomaliyeed oo isaga iyo saaxiibadiis badani ay degganaansho ka heleen dalka Maraykanka.

Wasiirkii waardiyaha noqday

gashaan
Qoraalka sawirka,Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii Kacaanka ee hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre

Dhammaadkii sagaashamaadkii, isaga oo ku maqan aqoon kororsi waxbarasho oo ku joogay dalka Maraykanka ayaa dalku galay xaalad fowdo ah iyo dagaalo sokeeye ah.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, wuxuu ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsanaa dowladdii Kacaanka ee uu hogaaminayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre kuwaas oo waxbarashada heerka labaad u aaday jaamacad ku taalla dalka Maraykanka.

Isagoo ku guda jira waxbarashadiisa Jamacadeed, qorshihiisu yahay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya ayuu qarxay dagaalkii sokeeyee ee dalka bilowgii sagaashameyadii

Wuxuuna ka dib ku nagaaday Maraykanka isagoo xoogga saaray sida uu BBC-da u sheegay inuu shaqo helo si qoyskiisii oo Soomaaliya ku sugnaa uu wax u taro.

“Waxaan bilaabay inaan shaqo raadsado, arjigaygii ayaan u kala diraa tobbanaan meelood oo an shaqooyinka ka codsanayey, warqadahayga codsiga waxaan ku qoraa dhammaan waxaan xilal soo qabtay, aqoontayda iyo waayo aragnimadayda, muddo sanad ah ayaan dirayey codsiga cidna iima soo jawaabin” ayuu yiri Gaashaan.

Wuxuu sheegay in markii muddadaas uu waayey wax jawaaba oo laga siiyo dalabkii shaqo doonka in maalin danbe uu nin Ajnabi ah oo madax ka ahaa meelo uu shaqo doontay uu tusiyey CV-giisa balse uu kala kulmay jawaab la yaab lahayd.

“Ninkii intuu saa u eegay warqadahaygii codsiga shaqada ayuu igu yiri qofna leh aqoontaan iyo waayo-aragnimadan, mushaarkiisu waa 80 kun oo dollar aniguna ma hayno xitaa anigu ma qaato, wuxuu intaa ii raaciyey waxaa tahay “Over Qualified” ayuu intaas raaciyey.

Gaashaan

BARAHA BULSHADAQoraalka sawirka,Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, wuxuu sidoo kale xil wasiiru dowle ka soo qabtay Puntland

Gaashaan, wuxuu sheegay in maalintaas k adib uu beddelay nidaamkii uu u dalbanyey shaqooyinka oo uu ka dhigay inuu kaliya bowsaday luuqada Ingiriiska oo uu meesha ka saaray xilalkii, aqoonti iiyo waayo-aragnimadiiba.

Wuxuu tilmaamay in codsigii danbe shaqada ku codsaday uu ahaa mid ku siman xoogsi ka dina uu helay jawaab uga timi laba shirkadood oo dalab shaqo uu u dirsaday.

Waxaa markan soo aqbashay xarun laga dukaamaysto oo doonaysay qof ka mid noqda waardiyaasha xaruntaas.

“Waxay igu yiraahdeen waardiyaan ku haynaaye ee ma qaadanaysaa, haa ayaan ugu jawaabay waana qaatay, imtixaan yar ka dib waxaa ka iii qaatay shaqadii, waxaa lay xiray shaati cad iyo surweel madow, waxaana lay dhiibay raadyaha lagu xiriiro ee hallow hallowga la yiraahdo” ayuu yiri Maxamed Faarax.

Wuxuu sheegay in isagu ku faraxsanaa shaqadiisa balse u maalin isagoo ku sugan halkii uu waardiyaha ka ahaa ay isha ku dhufatay gabar taqaanay bargii uu wasiirka ka ahaa dowladdii kacaanka

“Alla ba’ayeey ma wasiirkayagii baa sidan alle u galay ayey tiri gabdhii ayuu yiri Gashaan. “Waan u yeeray ka dibna waxaa u sheegay inaan shaqadayda raali ku ahay oo anigu dalbaday ee ay iska tag oo adeegato ”ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Faarax.

Wuxuu intaa raaciyey inuu shaqadaas waardiyanimo ku shaqanayey muddo halsano ah.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in wali wasiir hore Maxamed Faarax, uu wali hayo surweelkii uu shaqada waardiyaha ku bilaabay oo gurigiisa yaalla sida uu BBC-da u sheegay

Xilalkii uu ka soo qabtay dowladdii kacaanka

Gaashaan

Maxamed Faarax Ciise oo loo yaqaan Gaashaan , wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii dugsiyada sare ee Talyaanigu maamulayey ka baxay intii ay jirtay dowladdii rayidka ahayd basle ku indha qaaday dowladdii kacaanka ee militarigu hogaaminayey oo sanadkii 1969-kii afgambiga ku qabsaday dalka

Sida uu BBC-da u sheegey Gaashaan, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro si xamaasad leh u soo dhaweysay ciidamada markii ay xukunka la wareegeen.

“Caleemo qoyan ayaan ku soo dhaweynay kacaanka bilowgiiba, waayo waxaa iska jirtay waxyaabo loo tirinayey dowladdii rayidka ahayd” ayuu yiri Gaashaan.

Bilowgiiiba toddobaataneeyadii Maxamed Faarax, wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii la oran jiray kaadiriinta ee ku biiray ololayaashiii kacaanka ee hanuuninta.

Sanadkii 1977-dii, shirweynihii ururada shaqaalaha ayaa Gaashaan, loo doortay guddoomiyaha guddiga kormeerka iyo baarista ee ururka shaqaalaha Qaraka.

“Waxyaabaha an ka faa’iiday muddadaas an xilkaa hayey waxay ahayd inaan tagay dhammaan 192 degmo ee Soomaaliya” ayuu yiri Gaashaan.

Sanadkii 1984-tii, Maxamed Faaax Ciise, wuxuu ka mid noqday wasiiradii dowladdii kacaanka ee xiligaas la magacaabay isagoo noqday wasiir xigeenka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya xilkaas oo uu hayey sanad iyo dheeraad.

Wuxuu sheegay in sidoo kale muddaas sanada uu ahaa kusimaha wasiirka markii wasiirkii wasaaradda dib loogu yeerey golaha sare sare ee kacaanka

Xilligaas uu wasiir xigeenka ka ahaa wasaaraddda Caafimaad waxaa wasaaradda wasiir ka ahaa allaha u raxmadee Jeneral Cabdalle Maxamed Faadil.

Ka dibna waxaa loo wareejiyey wasaaradda Maaliyada ee Soomaaliya isagoo noqday wasiir xigeenka wasaaradda muddo laba sano ahaa markaas oo wasaaaradda maaliyada Soomaaliya uu wasiir xilligaas ka ahaa Cabdulaahi Caddow.

Bilowgii siddeetamadkii ayuu sidoo kale noqday wasiir xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada xiligaas oo wasaaraddaas uu wasiir ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Isagoo safar shaqo ku jooga Talyaaniga ayaa isku shaandayn lagu sameeyey golihii wasiirada ayaa xilka looga qaaday.

Shirweynihii shaqaalaha, dhamaadki 1985-tii ayaa Maxamed Faarax Ciise loogu doortay guddoomiyahii ururada shaqaalaha xilkaas oo uu haye yilaa burburkii dalka.

Maxamed Faarax Ciise, waxa kale oo uu soo noqday xildhibaan golihii shacabka xilligii dowladii militarga sideetameeyadii.

Intii dalka Soomaaliya ku jiray dibu dhiska wuxuu Gaashaan wasiiru dowle ka noqday xukuumadii Puntland ee uu madaxeynaha ka ahaa Cabdirixmaan Faroole.

Waa kuma Maxamed Faarax Gaashaan?

Maxamed Faarax Ciise oo ku caana Gaashaan, wuxuu deegaan miyi ah oo lagu magacaabo Iyax geed-gaaban una dhaxeeya magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ku dhashay dhammaadkii sanadkii 1946-dii

Waa curadka qoyska Faarax Ciise, noloshiisa intii yaraanimada ahayd wuxuu ku soo qaatay miyiga balse isagoo da’yar ayaa la geyey Muqdisho halkaas oo in badan oo noloshiisa ka mid ah uu ku soo qaatay.

Wuxu yarrantiisi oo maray nolol adag oo rajanimo ah, wuxuu kale oo ku soo koray xaruntii agoomaha ee Muqdisho.

Dugsiga hoose/dhexe iyo saraba wuxuu kaga baxay magaalada Muqdisho intii dalka ay ka jirtay dowladii rayidka ahayd.

Shahaadadiisa heerka kowaad ee Jaamacada ayuu ka qaatay kuliyadii Culuumta siyaasadda ee jaamacadii Ummada halka heeka labaad ee shahaada uu ka qaaatay jaamacada Albany ee dalka Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*