8th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee dowlad Goboleedka Puntland ahna xubin ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in shirkii golaha Wasiirada Puntland diiradda lagu saaray xaaladaha abaarta ee ka jirta deegaannada Maamulkaasi.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu guddi heer Wasiiro ah u saaray abaarta si ay uga talo bixiyaan, iyado shalay la soo saaray warbixintii ugu horeysay ee guddiga

“Guddiga warbixinta ay soo saareen waxaa ku jirtay in abaartu ay saameyay guud ahaan bulshada  ku nool deegaannada Puntland, haddi aan wax laga qaban bilaha soo socdana ay abaartu ka sii dari doonto, waxaana ilaa iyo hadda ay saameysay saddex boqol, afartan iyo shan kun oo qoys, isla markaana dad ku dhow sideetan iyo todobo kun ay soo xaroodeen oo ay ku soo hayaameen magaalooyinka Puntland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in guddigooda uu diyaariyay qorshihii lagu hagi lahaa hay’adaha gargaarka ee ka howlgalla deegaannada Maamulka Puntland, isla markaana gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhexdooda isu gurmadaan oo ay is gacan qabtaan, ayna is taageeraan shacab iyo dowladba, isagoo intaa ku daray inay sameyn doonaan sanduuq u gaar ah abaaraha, kaasi oo loogu talagalay inta ay abaartu socoto iyo abaarta kadib.

Pre

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*