7th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee dawladda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wuxuu shalay inkiray in uu eheladiisa ka shaqo galiyey wasaaradda uu madax ka yahay & Hay’ada Taya Dhawrka, laakiin waxaan helnay xog meesha ka saaraysa sheegashada wasiirka Ganacsiga.

Gaylan Media waxay ogaatay in 9 qof oo shaqaale laga dhigay dhawaan ay dhammaan yihiin ehelo-hoosaadka wasiirka ganacsiga, iyadoo xataa shaqaaleysiintu gaartay xididka ama gacalka wasiirka Ganacsiga, sidaas oo kale waxaan dabagal ku haynaa galka 6 qof oo qaarkood u qeybsanayaal ganacsi oo safaarada lagu qoray.

1- Guuleed MaxamedRashid Aden (Agaasimaha waaxda Shahaadooyinka, waa Seediga wasiiirka iyo ina adeerkiis)
2- Cabdifitaax MaxamedRashiid Aden: waa seediga wasiirka, waxaa laga dhigay Shaqaale wasaaraded oo aan xaadirin.
3- Salwa MaxamedRashid Aden: waa dumaashida wasiirka, waxaana laga dhigay U qeybsanaha arrimaha Ganacsiga ee Safaarada dalka Cumaan ay Soomaaliya ku ledahay.
4- Isaaq Cabdirashiid Xaaji (Wasiirka walaalkiis, ku qoran darawal, Hay’adda Tayadhawrkana Lataliya sare ugu qoran).
5- Cabdirashiid Xaaji Cabdiladif (Madaxa Adeegyada Intarneedka, waana wasiirka Ina adeerkiis)
6- Cabdinaasir Nuur Ibraahim (waa Lataliye sare oo banaanka mushahaar ku qataa, waana qaraabada wasiirka)
7- Warsame Maxamed Abshir (Sarkaalka Shahaado bixinta Qaraabada wasiirka)
8- Cali Ibraahim Max’ed (Waardiye qaaska ah ee wasiirka, Lataliye kaga mushahaar qaata Hay’adda Tayadhawrka)
9- Cabdullaahi Abuukar Max’ed (Wasiirka walaalkiis, kuqoran Lataliye sare oo mushahaar labo dhinacle qaata).

Hay’adda Tayadhawrka, iyana waxaa laga shaqo galiyey 10 xubnood oo kamid ah ehelada Madaxweyne Xassan Sheekh, oo ay ku jiraan xubno aad ugu dhaw, iyadoo ay Hay’adda madax ka tahay Xaawo Axmed Xasan oo uu qabo wiilka Madaxweyne Xassan Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*