14th January 2025 admin Category :
Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).
Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka
socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.
Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.
Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.
Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay
Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday in ay u wada istaagan sidii dalka khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.
Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen howlaha kala duwan ee dalka ka socda.