17th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd ee labada dhinac, iskaashi wax ku ool ah oo dhexmara iyo qodobo kale.

Ambasador Carsten Carlesen ayaa wasiirka wasaaradda uga mahadceliyey qaabilaadda iyo sida heerka sare ah ee u soo dhaweeyey isaga oo sheegay in safaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah wax soo saarka dalka gaar ahaan Kalluumeysiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka badda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa u sheegay danjiraha dowladda Norway in Wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii horumar muuqda looga sameyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo waara iyo in bulshooyinka xeebaha ay noqdaan kuwa ka faa’ideysta wax soo soorka iyo Kalluumeysiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*