![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2021/10/245048398_2000750823414886_6313519140029296832_n-624x416.jpg)
13th February 2025 admin Category :
Wasiirka Howlaha Guud ee Puntland oo la kulmay Wafdi ka socday Bankiga Adduunka
Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Bashir Muuse ( Cirro) ayaa maanta kulan la qaatay wefdi ka socda Bankiga Adduunka, kaasi oo diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa Mashruuca Somalia Urban Resilience Project II (SURP-II) oo ay maalgelisoWorld Bank.
Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Axmed Bashiir Muuse (Cirro) ayaa kulanka uu la qaatay wefdiga Bangiga Adduunka kala hadlay sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha guud ahaan Gobollada Puntland iyo sidii loo horumarin lahaa Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka soctay Dawladda Hoose ee Garoowe, waxaana ay la wadaageen baahiyaha ka jirta magaalada.
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245032768_2000750953414873_155086613923129872_n.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245043464_2000750913414877_571887841059414709_n.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245048398_2000750823414886_6313519140029296832_n.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245062900_2000751013414867_2784532150939883699_n.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245195392_2000751053414863_6649712302360730158_n.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245304329_2000750766748225_2913244275068770098_n.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/10/245422673_2000750866748215_650469444237096_n.jpg)