19th September 2024  admin  Category :

Wasiirka Ganacsiga oo daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay munaasibad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa Qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor  inta ayna badeecadahu soo galin dalka, taas oo ay si daahfuran ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritas, taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiira Jibriil, ayaa sheegay in talaabadani ay hagaajin doonto, isla markaana dhirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka, waxaana uu bogaadiyey Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo dedaal xoog ah ku bixiyey guusha maanta la gaadhay.

 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in arrintani ay muhiim u tahay ilaalinta badqabka bulshada,  kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha ivo kobac dhaqaale oo waara, isaga oo xusay inay suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aynnu la leenahay wadamada caalamka.

Ugu dambayn, Wasiirku, wuxu guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo u mahadceliyey madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah ee arrintan ku taageeray Wasaaradda.

This image has an empty alt attribute; its file name is FB_IMG_1684077320357-1200x630.jpg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*