27th November 2024 admin Category :
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Riyaad kaga qeybgalay Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca wadamada Islaamka (IMCTC)
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka Khawaarijta Argagixisida ah
Dhanka kaleĀ kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.